Trump oo gaaray Riyadh iyo Al Bashir oo baaqday

Image
Image
Image
Image

Madaxweynaha Waddanka Maraykanka Donlad Trump ayaa gaaray magaalada Riyadh ee xarunta Boqortooyada Sucuudiga, isagoo ka qayb galaya shirka u dhaxeeya dalalka Islaamka iyo Maraykanka.

Wafdigan uu hogaaminayo Donald Trump, ayaa si maqaam sare leh loogu soo dhaweeyay caasumadda dalkaas, waxaana socdaalka ku weheliya, xaaskiisa, gabadha uu dhalay iyo wiilka uu sodoga u yahay.

Boqor Salmaanka Sucuudiga ayaa kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha caasumadda dalkaas, wuxuuna salaan ka qaatay cudubyo katirsan ciidanka qalabka sida.

Xarunta looga arrimiyo waddankaas ayaa loo gudbiyay wafdiga reer Maraykanka oo noqonaya booqashadii ugu horeeyay Madaxweyne Trump ku tago Bariga dhexe.

Dhinaca kale, waxaa baaqday Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al Bashir oo shirkaas lagu casuumay.

Al Bashiir faaf faahin kama uusan bixin sababta uu shirkaas uga baaqday, balse wakaaladda wararka ayaa xaqiijisay in Agaasimaha Madaxtooyada Lt. Gen. Taha Osman Al Hussein uu hogaamin doono wafdiga Dowladda Suudaan ee ka qeybgalaya shirkaas.

Madaxweynaha Sudan ayaa aad loo raadinayaa, waxaana Maxkamadda Caalamiga ah ee Dabiyada dagaalka ay ku eedaysay inuu gobolka Dar-fur ka gaystay gabool fal ka baxsan bini aadanimada walow uu beeniyay.

Shirkan ayaa socon doona muddo labo maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doona arrimo ay kamid tahay xanibaada dhinaca Socdaalka ee Madaxweyne Trump kusoo rogay wadamo kamid ah dunida islaamka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM