​Trump oo jabiyay siyaasadda Maraykanka ee Shiinaha

Image

Madaxweynaha cusub ee dhawaan loo doortay dalka Maraykanka ayaa ka tallaabsaday xeer waddankaasi u yaallay muddo ka badan 40 sano, oo la xiriira siyaasadda dalka Shiinaha ee ku aadan waddanka Taiwan.

Qoraal Barta Twitter-ka uu soo dhigay Donald Trump, ayaa lagu sheegay inuu wacay Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen islamarkaana kawada hadleen arrimo ku aadan siyaasadda iyo dhaqaalaha labada waddan.

Wadahadalka dhex maray Madaxweynaha la doortay Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hogaamiyayaal ajnabi ah.

Tallaabadan oo la rumaysanyahay in Mr Trump uusan xiriir kala samayn wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa laga walaacsanyahay inay abuurto khilaaf dhinaca siyaasadda oo ka dhex abuur Shiinaha iyo Maraykanka.

Shiinaha, ayaa dalka Taiwan u aqoonsan inuu kamid yahay dhulkiisa, waxaana xukuumadda Washington sannadkii 1979 xiriirka u jarta dalka Taiwan iyadoo qaadatay mabda'a "Shiine hal qura ah".

Ilaa hadda wax war ah kama soo bixin dowladda fadhigeedu yahay Beijing, taasoo ku aadan tallaabooyinka khuseeya Bariga Aasiya.

Donald Trump, ayaa moodaa in siyaasadiisu ka janjeerto dhinaca dalka Shiinaha, waxaana xiriirka Taipei uu horseedi karaa in dalkaasi helo aqoonsi caalami ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM