Trump oo Kiis culus ku eedeeyay FBI-da Mareykanka

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday laanta dambi baarista ee FBI-da oo sida uu sheegay ku guul dareysatay in ay ka hortagto toogasho arbacadii la soo dhaafay lagu qaaday iskuul ku yaalla gobolka Florida.

Trump ayaa sheegay in FBI-da ay wakhti badan ku lumisay xaqiijinta in kooxdiisa ka shaqeynaysay ololaha doorashadiisa ay xiriir la lahaayeen dalka Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in loo baahan yahay in FBI-du ay u soo laabato shaqadeeda rasmiga ah ee loo igmaday.

Waxa uu intaasi ku daray in wax aad looga xumaado ay tahay in isla markaana aan la qaadan karin in waxyaabo badan oo muujinayay suurtagalnimada weerarkaasi aanan waxbo laga qaban.

Laanta dambi barista ee FBI-da ayaa qiratay in ay ku guul dareysatay in ay deg deg uga jawaabto xog ku saabsanayd in Nikolas Cruz uu qorsheynayay weerarkaasi.

Nikolas Cruz ayaa qirtay mas'uuliyadda toogashadii ka dhacday iskuul ku yaalla Florida oo ay ku dhinteen 17 qof.

Kal hore, kumannaan qof ayaa Florida isugu soo baxay waxa ayna dalbanayeen in la xakameeyo hubka gacanta ugu jira dadka rayidka ahi.

Dad abdan ayaa madaxweyne Trump ku dhaliilaya in uu diidan yahay in la xoojiyo sharciyada lagu xakameynayo isticmaalka hubka.

Balse Trump ayaa sheegay in ninka toogashadaasi ka dambeeyay uu qabay xanuun dhanka dhimirka ahi.

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM