Trump oo kordhiyay Xayiraadda dalalka Islaamka

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ballaariyay amarki uu dalkiisa uga mamnuucay in ay soo galaan muwaadiniinta qaar ka mid ah dalalka Islaamka, isaga oo hadda ka dhigay sideed wadan.

Amarka cusub oo dhaqangali doona 18-ka bisha October ayaa saameyn doona dadka u dhashay dalalka Chad, Iran, Libya, Kuuriyada Waqooyi, Somalia, Syria, Venezuela iyo Yemen.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in dalalkani ay diideen inay Mareykanka la wadaagta xogta ku saabsan argagixisada iyo arrimo kale.

Ku dhawaaqista go,aankan ayaa imanaysa xilli uu dhacayo 90-ki maalmood ee uu madaxweyne Trump u qabtay amarki uu muwaadiniinta lix wadan oo Muslim ah uga mamnuucay in ay Mareykanka kusoo galaan.

Dalalkaasi ayaa kala ahaa Iran, Libya, Somalia, Sudan, Syria iyo Yemen.

Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka ee loo soo gaabiyo (CAIR), ayaa wareegtadan cusub ee Trump ku tilmaamay qeyb ka mid ah adandayaasha foosha xun ee kooxaha ay caddaanka ah ee rumeysan in ay ka sarreeyaan dadka intooda kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM