Trump oo ku dhegan Ilhan Omar, uguna baaqay inay Congress-ka iska casisho

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaadey Ilhan Omar, oo ah Gabar Soomaali-Mareykan ah oo dhawaan ku biirtay Congaress-ka dalkaasi.

Trump ayaa ugu baaqay in Congress-ka iska casisho, ama ugu yaraan ay ka baxdo guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda ee ay xubin ka tahay kadib markii ay barteeda Twitter-ka ay soo dhigtay qoraal loo arkay inuu gef ku yahay Yuhuudda.

"Waa in ay iska casishaa Congress-ka ama Guddiga Arrimaha Dibadda," ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Ilhan Omar ayaa maalintii shalay raaligelin ka bixisay hadalkeeda ay ku sheegtay in taageeradda Mareykanka uu siiyo Isreal ay ka dhalatay lacago kooxaha u ololeeya Yuhuuda ay siiyaan Xildhibaano ku jira Congress-ka iyo Senate-ka.

Waxay sheegtay Ilhan in Kooxda u dhaq-dhaqaaqda taageeradda Yuhuudda ee lagu magacaabo "American Israel Public Affairs Committee (AIPAC), ay dhaqaale ku siiso Xildhibaanada Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay raali-gelinta Ilhan Omar mid aan la aqbali karin, madaama hadalka Yuhuud-naceybka uu yahay dembi culus, oo wax u dhimaya xiriirka Mareykanka iyo Isreal.

Labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriguba ayaa sidoo kale si baahsan u dhaleeceeyeen qoraalka Ilhan Omar, iyadoo Afhayeenka Aqalka Hoose [Congress-ka], Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhan qoraalkeeda looga saari karo xubinimada Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamanka Mareykanka.

Mar ay wariyeyaasha su'aal ka waydiiyeen Trump tallaabada ku haboon, ee laga qaadayo Ilhan Omar, ayuu ku jawaabey "Iyaduba way taqaanaa waxa ay muteysanayso".

Isagoo saaran diyaaradda "Air Force One" ayuu Trump la hadlay wariyeyaasha, waxaana uu sheegay in qoraalka Ilhan Omar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi'da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel.

Ilhan Omar oo xisbi ahaa katirsan Dimuqraadiga, ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress-ka Mareykanka xubin ka noqday.

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/nfxrGzaz3WE" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM