Trump oo ku dhegan Ilhan Omar, uguna baaqay inay Congress-ka iska casisho

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaadey Ilhan Omar, oo ah Gabar Soomaali-Mareykan ah oo dhawaan ku biirtay Congaress-ka dalkaasi.

Trump ayaa ugu baaqay in Congress-ka iska casisho, ama ugu yaraan ay ka baxdo guddi hoosaaska Arrimaha Dibadda ee ay xubin ka tahay kadib markii ay barteeda Twitter-ka ay soo dhigtay qoraal loo arkay inuu gef ku yahay Yuhuudda.

"Waa in ay iska casishaa Congress-ka ama Guddiga Arrimaha Dibadda," ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Ilhan Omar ayaa maalintii shalay raaligelin ka bixisay hadalkeeda ay ku sheegtay in taageeradda Mareykanka uu siiyo Isreal ay ka dhalatay lacago kooxaha u ololeeya Yuhuuda ay siiyaan Xildhibaano ku jira Congress-ka iyo Senate-ka.

Waxay sheegtay Ilhan in Kooxda u dhaq-dhaqaaqda taageeradda Yuhuudda ee lagu magacaabo "American Israel Public Affairs Committee (AIPAC), ay dhaqaale ku siiso Xildhibaanada Mareykanka.

Madaxweyne Trump ayaa ku tilmaamay raali-gelinta Ilhan Omar mid aan la aqbali karin, madaama hadalka Yuhuud-naceybka uu yahay dembi culus, oo wax u dhimaya xiriirka Mareykanka iyo Isreal.

Labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriguba ayaa sidoo kale si baahsan u dhaleeceeyeen qoraalka Ilhan Omar, iyadoo Afhayeenka Aqalka Hoose [Congress-ka], Nancy Pelosi ay sheegtay in Ilhan qoraalkeeda looga saari karo xubinimada Guddiga Arrimaha Dibadda ee Baarlamanka Mareykanka.

Mar ay wariyeyaasha su'aal ka waydiiyeen Trump tallaabada ku haboon, ee laga qaadayo Ilhan Omar, ayuu ku jawaabey "Iyaduba way taqaanaa waxa ay muteysanayso".

Isagoo saaran diyaaradda "Air Force One" ayuu Trump la hadlay wariyeyaasha, waxaana uu sheegay in qoraalka Ilhan Omar uu ka tarjumayo naceybka ay u qabto Yuhuudda, taasoo lidi ku ah mabaadi'da Mareykanka iyo taageeradiisa Israel.

Ilhan Omar oo xisbi ahaa katirsan Dimuqraadiga, ayaa laga soo doortay degmada 5aad ee gobolka ay Soomaalidu ku badan tahay ee Minnesota, iyadoo noqotay qofkii ugu horeeyay oo Soomaali ah oo Congress-ka Mareykanka xubin ka noqday.

<iframe width="560" height="315" src="https://www.youtube.com/embed/nfxrGzaz3WE" frameborder="0" allow="accelerometer; autoplay; encrypted-media; gyroscope; picture-in-picture" allowfullscreen></iframe>

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM