Trump oo sabab la yaab leh xilka uga qaadey Rex Tillerson

Image

WASHINGTON - Madaxweyne Donald Trump ayaa maanta xilkii ka qaadey Wasiirkiisii Arrimaha Dibadda Rex Tillerson kadib markii uu meel sare gaarey khilaaf u dhaxeeyay.

Trump ayaa Tillerson xilka uga qaadey qoraal uu soo dhigay Boggiisa Twitter-ka, isagoo xilkaasina u magacaabay Agaasiimihii Hay'adda Sirdoonka Mareykanka, Mike Pompeo oo horey loo hadal hayay in shaqada loo dhiibayo.

"Mike Pompeo, Agaasiimaha CIA ayaa noqonaya Xoghayaheena cusub ee Arrimaha Dibadda, oo qaban doono shaqo wanaagsan. Rex Tillerson waa uu ku mahadsan yahay shaqadii uu qabtay," ayuu ku yiri qoraalka Twitter-ka.

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in isaga iyo Rex Tillerson ay isku khilaafeen Heshiiska Hubka Nikuleerka ee Mareykanka iyo Midowga Yurub la galeen Iran sanadkii 2015, kaasi oo hadda maamulkiisa uu doonayo inuu ka baxo.

Wargeyska Washington Post, ayaa sheegay in Trump uu waydiistay Tillerson inuu iscasilo maalintii Jimcaha ee lasoo dhaafay isagoo booqasho ku maraya dalal ku yaalla Africa.

Tillerson ayaa soo gaabiyay booqashadiisii Africa waxaana uu si deg deg ah ugu laabtay magaalada Washington taasi oo dhalisay shaki gelisay mustaqbalkiisa inuu xilka sii hayo, oo kasii mid ahaado maamulka Trump.

Dhanka kale, Haweenay lagu magacaabo Gina Haspel ayuu sidoo kale u magacaabay Madaxweyne Trump xilka Agaasiimaha CIA-da, waxaana ay noqonaysaa qofkii ugu horeeyay oo dumar ah oo xilkan loo magacaabo Taariikhda Mareykanka.

Trump ayaa tan iyo markii uu talada Mareykanka la wareegay January 2017, xilalkii ka qaadey dhowr Mas'uul oo ay kamid ahaa Agaasiimihii FBI-da James Comey iyo La-taliyaal si dhaw ula soo shaqeeyay xiligii uu ku jiray Ololaha Doorashada 2016.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM