Turkga : Shiinahu waa in uu wax ka baddelaa qaabka uu ula dhaqmo Muslimiinta dalkiisa

Image

ISTANBUL, Turkey - Wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga ayaa dhaliishay qaabka uu Shiinaha ula dhaqmo qowmiyadda dalkaasi looga tirada badan yahay ee Wiiga, waxaana xukuumadda Ankara ay ku tilmaantay xariga baahsan ee dadkaasi lagula kaco mid ceeb ku ah aadanaha.

Afhayeen u hadlay Turkiga ayaa sheegay in milyan qof oo Wiiga ah lagula kaco jirdil iyo marin habaabin siyaasadeed, isla markaana lagu hayo xarumo la isugu geeyay, halka 9 milyan oo kalena ay xor yihiin balse ay khatar ugu jiraan dhibaato noocaasi ah.

Warkan carada leh ee ka soo baxay Turkiga ayaa daba socday geeri la sheegay inay ku timid fanaan caan ah oo u dhashay muslimiinta Uighur oo lagu magacaabo Abdurehim Heyit, kaas oo ku xukunnaa 8 sano oo xabsi ah.

Xukuumadda Shiinaha ayaa u aragta fanaankaasi mid heesihii ku kicin jiray Muslimiinta dalkaasi.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Turkiga, Hami Aksoy, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay xoojin doonto sida shacabka dalkiisa ay uga soo horjeedaan siyaasadaha Shiinaha ee ku aaddan Muslimiinta Uighur-ha.

Shiinaha ayaa dhankiisa ku doodaya in xeryaha dadkaasi uu u sameeyay ay yihiin kuwo dib wax loogu barayo.

Qowmiyaddan Uighur-ha ayaa ah boqolkiiba 45 dadka ku nool gobolka WG Shiinaha ee Xinjiang.

Waxa ay isu arkaan kuwo dhaqan iyo qowmiyad ahaanba u dhaw dalalka ku yaal bartamaha Aasiya, luuqadoodana waxa ay aad ugu dhaw dahay tan Turkiga.

Tobanaankii sano ee la soo dhaafay, qowmiyadda Han ee ah tan ugu badan Shiinaha ayaa ku soo badanaysay gobolka Xinjiang, waxaana taasi ay cabsi gelisay Uighur-ha.

Xinjiang ayaa ah gobol ismaamul hoose leh sida kan dhanka koonfur kaga beegan ee Tibet.

Laamaha ammaanka ee Shiinaha ayaa sanadihii dambe fiira gaar ah u lahaa bulshada Uighur-ha.

BBC 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM