Turkiga iyo ​Isra'iil oo hishiiyay

Image

Xukuumadaha Ankara iyo Talaabiib ayaa la sheegayaa inay gaareen hishiis ku aadan khilaafkii tan 2010 ka dhex taagnaa kaasi oo ka dhashay lix qof oo Turkish ahaa kuwaasi oo la dilay xilli ay ku safrayeen Marinka Qaza.

Wadahadal dhexmaray labada dal ayaa laga gaaray hishiis cusub oo baabi'inaya khilaafkii jiray.

Heshiiska ayaa dhgaya in Isra'iil bixiso mag dhaw gaareysa 20 milyan oo dollarka oo la siinayo qoysaskii dadku uga dhinteen Markabkii Mavi Marmama sanadkii 2010, Halka xukuumadda Talaabiib ay heleyso qandaraasyo ay gaaska dabiiciga ugu gudbineyso suuqyada Turkiga.

Ra’iisul Wasaraah Israel Benjamin Netanyahi ayaa axaddii kadib kulan uu la yeeshay xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka sheegay “Waa tallaabo muhiim ah in xiriirka dib loos oo celiyo”.

Sarkaal sare oo Turkish ah ayaa isna sheegay in heshiiska ay qeyb ka tahay in Turkey loo ogolaado inay gargaar geyso Gaza, islamarkaana ka fuliso mashruuc ay guryo iyo isbitaallo ugu dhiseyso.

Arrintan ayaa la sheegayaa in labada dhinacba faa'iido ugu jirto, wuxuuna saamacayaa in Turkigu dalkaasi maalgalin ka sameeyo islamarkaana deeq gaarsiin karo Bariga dhexe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM