Turkiga iyo Kenya oo arrimaha Soomaaliya kawada hadlay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

NAIROBI- Waxaa maanta magalada Nairobi xarunta dalka Kenya lagu soo dhaweeyay madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaasi oo socdaal ku maraya qaaradda Afrika.

Soo dhaweyn sare ayaa loogu sameeyay aqalka looga taliyo dalka Kenya, waxaana kulan wada qaatay mas'uuliyiinta labada dal iyagoo ka wada hadlay arrimo dhawr ah, kuwaasi oo ku saabsanaa; dhaqaalaha, amniga iyo qaxootiga.

Waxay sidoo kale ka wada hadleen arrinta dalka Soomaaliya iyagoo isku waafaqay in loo istaago sidii loo caawin lahaa waddanka la dhibaatoonaya colaadda mudada dheer, iyagoo isku afgartay in laga caawiyo dhinac amniga iyo dhaqaalaha.

Turkiga iyo Kenya, ayaa dhinacoo kala saxiixday hishiisyo dhawr ah kuwaasi oo ku saabsan maalgashi iyo isweydaarsi khayraad.

Labada hogaamiye ayaa goob fagaaro ah kula hadlay warbaahinta kulankooda kadib, waxaana madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, uu sheegay inuu ku faraxsanyahay booqashada uu madaxweynaha dalka Turkiga isagoo intaasi raaciyay inuu ku hishiiyeen arrimo badan oo hormarka labada dalka horseedaya.

Recep Tayyib Erdogan, ayaa dhinaciisa sheegay inay ku hishiiyeen sidii wax looga qaban lahaa ammaanka gobolka, qaxootiga iyo dhaqaalaha, isagoo intaasi raaciyay inay ka taageerayaan arrimaha qaxootiga.

Booqashadan ayaa kusoo beegmaysa xilli dalka Turkiga uu aad ugu loollamo maalgashiga Afrika isagoo xifaaltan xooggan kala dhaxeeyo dhinaca dhaqaalaha dalka Shiinaha oo Afrika maalgashiga ugu badan ka sameeyay.

Erdogan, ayaa maalinta Barri ah la filyaa inuu soo gaaro dalka Soomaaliya isagoo xarriga ka jari doona safaarad weyn oo ay magalada Muqdishu ka dhisteen.

HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA SOO DHAWEYNTA MADAXWEYNAHA TURKIGA IYO WADA HADALKA AY YEESHEEN

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM