Turkiga oo laga qaaday xaaladdii deg deg ahayd ]Sidee shacab u saameysay?]

Image

ANKARA, Turkey - Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday inay ka qaaday dalkaasi xaalad deg deg ah oo lagu soo rogay labo sano ka hor markii uu dhacday Afgembigii fashilmay ee 2016-dii, ee la doonayay in xilka looga tuuro Erdogan.

Intii uu dalkaan saarnaa xaaladaas deg deg ah, Kumanaan kun oo qof ah ayaa la xiray, halka kuwa kalena shaqadda laga eryay.

Go'aankaan wuxuu kusoo beegmayaa Labo isbuuc kadib markii dib loo doortay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Intii uu socday olalaha doorashadda, murashixiinta mucaaraadka ah ayaa sheegay in waxa ugu horeey oo ay sameyn doonaan ay noqoneyso inay dalka ka qaadaan xaaladda deg deg ah.

In ka badan 107,000 oo qof, kuwaasoo kamid ahaa shaqaalaha danta guud ayuu galaaftay xaaladda deg deg ah. Sidoo kale, waxaa la xiray 50,000 qof, sida laga soo xigtay qiimayn la sameeyay.

Inta badan dadkaan la eryay ayaa waxaa lagu eedeeyay inay taageero uyihiin Wadaadka Mareykanka degan ee Fethullah Gulen, kaasoo xukuumadda Ankara ku eedaysay inuu Afgamiga ka dambeeyay.

Laakiin,  Fethullah Gulen oo degan Mareykanka, ayaa gabi ahaanba eedaha loosoo jeediyay gaashaanka ku dhuftay.

Sikastaba, sanadkii 2016-kii ayay ahayd markii uu dhacday Afgambiga, xiligaas xarunta Baarlamaanka ay duqeeyeen diyaaraddo Milatari ah, halkaasoo in ka badan 250 qof lagu dilay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM