Turkiga oo Ciidamo dheeraad ah u diray dalka Qadar

Image

DOHA - Ciidamo cusub oo ka socda Turkiga ayaa gaarey dalka Qadar, oo bishii June 5, 2017 ay xiriirka u jareen wadamada Sacuudiga, Imaaraadka, Bahrain iyo Masar kadib markii ay ku eedeeyeen inuu taageero Argagaxisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga Qadar ayaa xaqiijiyay in cutubyo katirsan ciidamda Turkiga ay ka dageen Saldhiga dhanka cirka oo lagu magacaabo Al Ubeid oo ku yaalla magaalada Caasimadda ah ee Doha.

Askarta Turkiga ayaa ku biiraya ciidamo kale oo horey loo geeyay Qadar kuwaasi oo ku sugan saldhigga Tariq bin Ziyad oo koonfurta Doha.

Ciidamada Turkiga ayaa tababar siinaya ciidamada qalabka sida ee dowladda Qadar, si loo xoojiyo awoodda Military ee wadankaasi.

Turkey ayaa saldhig weyn oo dhanka Militariga ka furtay Qadar 2015-kii kadib markii labada dowladooda ay gaareen heshiis dhanka difaaca ah sanadkii December 2015

Waa saldhigii ugu weynaa oo Turkiga ka samaysto gobolka Bariga Dhexe, kaasi oo ay ka howlgalayaan 5,000 oo Askari kuwaasi oo gacan ka siinaya Qadar inay sare u qaado tayada ciidankeeda oo la siinayo tababar casri ah.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ah saaxiibka kowaad ee Qadar usoo gurmaday markii ay go'doomiyeen dalalka Khaliijka carabta bishii June 5.

Ankara ayaa isku dayaysa inay sidoo kale dhex-dhexaadiso wadamada Khaliijka si loo dhameeyo khilaafka u dhaxeeya kaasi oo saameyn ku yeeshay dhaqaalaha caalamka iyo siyaasadda gobolka Bariga dhexe.

Isagoo midnimo uu muujinaya, Turkiga ayaa boqolaal diyaarado iyo maraakiib ay ku raran yihiin shixnado raashiin ah u diray Qadar, maadaama dalkaasi laguu soo rogay go'doomin dhulka, cirka iyo badda ah.

Dowladaha Khaliijka ayaa shuruudo ka kooban 13 oo ay kamid yihiin inuu xiro Al Jazeera iyo Saldhiga Turkiga hor-dhigay Qadar si looga qaado Xayiraadda. Doha ayaa diiday inay fuliso shuruudahaasi.

Turkiga waxay xiriir dhaw la leeyahay Palestine, Syria, Somalia iyo kuwa kale oo carbeed kuwaasi oo dhex-dhexaad ka noqday xiisadaha Khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM