​Turkiga oo codsaday soo celinta Fethula Gulen

Image

Ra'iisal-wasaaraha Turkiga, Binali Yildirim, ayaa sheegay Turkiga inuu u baahan yahay inuu hubiyo ammaankiisa boqolkiiba boqol, ka dib markii uu guuldaraystay afgambigii milatariga ee dhacay Jimcihii.

Wuxuu balanqaaday dhaqdhaqaaqa ay dowladda ku eedaynayso afgambiga in la baabi'in doono.

Mr Yildirim ayaa sheegay in codsi loo diray Maraykanka oo lagu codsanayo inay soo musaafuriyaan hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa ee Fethula Gulen. Mr Gulen ayaa beeniyay inuu ku lug lahaa.

Ra'iisal-wasaaraha ayaa ku adkaystay Turkiga in sharci lagu maamulo, wuxuuna dadka u sheegay inaysan samayn aargudasho.

Kumanaan ciidamo, boliis iyo shaqaalaha cadaalada ayaa shaqada laga cayriyay ama la xiray.

BBC

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM