​Turkiga oo shaqada ka cayriyay 15000 oo ruux

Image

Wali waxaa socda dadaallada xukuumadda Ankara ku baacsanayso dadkii ku lug lahaa Afgambigii dhicisoobay ee dalkaas ka dhacay bishii Jullay ee sannadkan 2016.

Dowladda ayaa shaqada ka carayrisay 15000 oo qof kuwaasoo lala xiriirinayo inay wax ka ogaayeen tallaabadii lagu doonayay in xilka looga tuurayo Recep Tayyip Erdogan.

Dawladdu waxaa kale oo ay albaabada u laabtay sagaal warbaahin oo hor leh, sideed iyo toban hay'ado gargaar iyo in kabadan shan boqol oo urur.

Saddexdii bilood ee u dambeeyay waxaa sidoo kale meesha laga saaray tobanaan kun oo ruux oo taageersanaa Fethullah Gulen, kuwaas oo madaxwayne Recep Tayyip Erdogan uu ku eedeeyay in ay maleegeen afgambigaas.

Turkiga ayaa wali baacsanaya dadka xiriirka la leh wadaadka baxsadka  ah ee ku sugan Maraykanka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Walaac ka taagan Dalalka Khaliijka oo ka baqaya weerar uga imaan kara Iran

Tusaale ahaan, Baxrayn waxay hoy u tahay Xarunta Howlgalka Ciidamada Badda ee Mareykanka ee Bartamaha, taasoo noqon karta bartilmaameed.

  • Caalamka

    19-06-2025

  • 02:55PM

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM