​Turkiga oo wacad ku maray inuu galayo dagaalka Mosul

Image

ANKARA, Turkey- Xukuumadda Ankara, ayaa ka hadashay dagaalka kasocda magaalada Mosul ee waddanka Ciraaq kasoo u dhaxeeya ciidamo huwan ah iyo mallayshiyaadka kooxda isku magacowday dowladda Islaamiga ah ee ISIS.

Turkigu, wuxuu sheegay in dowladaha Ciraaq iyo Maraykanku ku fashilmeen inay ka run sheegaan ballanqaadkii ahaa inaan ciidamada dagaallamaya ee dhinaca xukuumadda Baqdaad kasocda lagu darin Kurdiyiinta iyo shiicada.

Wuxuu sheegay in tallaabadaas laga maarmaan ka dhigayso in Turkigu ka galo dagaalka islamarkaana faraha ka laaban waxa kasocda magaalada Mosul maalintii 7aad.

Ra'iisulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim ayaa sheegay inay muhiim tahay in dowladiisu ay qaado tallaabo ay dagaalka uga qayb galayso.

Wuxuu walaac kamuujiyay in kooxaha Shiicada xasuuq ka gaystaan magaalada Mosul oo ay ku badanyihiin Sunniyiinta Ciraaq oo cadaawad xoogan kala dhaxayso.

Kumaan kamid ah dadkii ku sugnaa magaaladan, ayaa u qaxay Baqdaad iyo dhinaca dalka Suuriya.

Ciidamada isku dhafka ah ee ay ku jiraan Kurdiyiinta iyo Shiicada, ayaa iska caabin xoog leh kala kulmay Daacish oo aad ugu xoogan magaalada Mosul.

Wariyaasha ku sugan jiida hore, ayaa ku waramaya in mallayshiyaadka Daacish adeegsanayaan weeraro is-qarxin kuwaasoo loo isticmaalayo baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa islamarkaana lala beegsanayo fariisimada ciidamada Ciraaq.

Balse, ciidamada ayaa hadda adeegsanaya qoryaha lidka Diyaaradaha si meel fog baabuurtaasi loogu qarxiyo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM