​Turkiga oo xusaya Sannad guuradii kasoo wareegtay Af-gambigii dhicisoobay

Image

ANKARA, Turkey- Hal Sano ayaa ka soo wareegatay markii uu fashilmay Afgembi ciidamada Militariga dalka Turkiga ay ku doonaya inuu jagada kaga xayuubiyo Madaxweynaha dalka Reccep Erdogan, kasoo markii dambi aan u dhicin sidii loogu talo galay.

Arrintaas oo ay is-hortaag ku sameeyeen shacabka dalkaas oo xayiray ciidamadii doonayay inay talada la wareegaan, ayaa maanta looga dabaal dagayaa dalka Turkiga.

Dhowr munaasabadood ayaa lagu maamuusayaa qorshahaas fashilmay kaasoo badankooda ka dhacay magaalooyinka Turkiga.

15-ka July ayaa waddankaasi looga asteeyay maalin fasax qaran ah, ayadoo la xusayo dhacdo uu madaxweyne Erdogan ku tilmaamay mid bedeshay taariikhda Turkiga.

Madaxweynaha ayaa shir gudoomin doona kulan gaar ah oo uu maanta baarlamaanka Turkiga yeelan doono, ka hor inta aanu magaalada Istanbul uga qeybgalin isu soo bax ka dhici doona buundada Bosphorus, halkaasi oo dad diiddan isku-dayga afgembi ay habeenkii 15-ka July 2016 kaga hortageen askartii fulinaysay.

Ajandahaas fashilmay oo lagu eedeeyay wadaadka Baxsadka ah ee Fethullah Gulan, ayaa shaqada looga cayriyay in kabadan Todobo kun oo isugu jira, shaqaale dowladeed, aqoonyahanno iyo Saraakiil Booliis ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM