Turkiga “Waan soo geba-gabaynay howlgalkii Suuriya”

Image

Xukuumadda Turkiga ayaa ku dhawaaq inay soo af-meertay howlgal qaatay in kabadan 7 bilood oo ka socday gudaha waddanka Suuriya.

Ra’isal wasaaraha dalkaas ayaa warbaahinta u sheegay inuu guulaystay qorshahoodii ay ugu magac dareen Furat ee ka dhanka ah Daacish.

Binali Yildirim, wax faah faahin ah kama bixin sababta keenta in Turkigu soo afmeero howlgalkiisii ka dhanka kooxaha kasoo horjeeda xukuumadda Ankara iyo Daacish ee mudada badan ka socday dalkaas.

“Howlgalkii Gabbaadka Furat waxa uu ahaa mid guuleystay, waana lasoo geba gebeeyey. Howl-gal kasta oo midkan ku xiga waxa uu yeelan doonaa magac kale,” waxaa sidaasi taleefishinka NTV u sheegay ra’iisul wasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

Dullaanka oo billowday bishii August ee sanadkii tagay, ayaa ciidamada Turkiga diiradda ku saareen magaalada Jarablus oo ay maamulaysay kooxda Daacish.

Daacish ayaa waqtigaas gacanta ku haysay dhul 40 KM ah oo ku teedsan xuduudda Turkiga, hase yeeshee waa laga saaray dhammantood.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aqalka Cad oo shaaciyey in nooca xanuunka Trump laga helay

Afhayeenka Aqalka Cad, Karoline Leavitt, ayaa sheegtay in xanuunka lagu arkay baaritaan caafimaad oo dhowaan la sameeyey.

  • Caalamka

    19-07-2025

  • 07:15AM

Maxay Israel u Weerartey Suuriya Gaar Ahaan Magaalada Dimishiq?

Weerarkan ayaa yimid kadib markii ay ciidamada dowladda Suuriya galeen gobolka…

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 09:18PM