Uhuru Kenyatta oo ku guuleystay doorashadii Kenya [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Guddiga doorashada ee dalka Kenya ayaa ku dhawaaqay in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu mar kale ku guulaystay doorashadii aadka looga war sugayay ee dhacay Talaadadii.

Musharraxan oo ka tirsan xisbiga Jubilee ayaa helay 54% codadkii la dhiibtay halka musharraxa xisbiga mucaaradka Raila Odinga uu helay 44% codadkii la tiriyay.

Xisbiga mucaaradka ah ee NASA ee uu hogaamiyo Raila Odinga ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn sida ay u dhacday doorashadan, balse kormeereyaasha caalamiga ah ayaa ammaanay gudiga iyaga oo sheegay in ay qabteen doorasho xor iyo xalaal ah.

Isbeheysiga mucaaradka Kenya ayaa sheegay in aysan maxkamad aadi doonin.

Waxay ku adkeysanayaan in ay hayaan cadeymo muujinayo in wax isdabamarin jirto. Laakiin maysan sheegin waxa ay sameyn doonaan.

Mucaaradka ayaa horey u sheegay in loo dhacay hannaanka Guddiga Doorashada, waxna laga badalay natiijada.

Mr Kenyatta oo ah 55 sano jir ayaa markiisii ugu danbeysay xilkan hayn doono shanta sano ee soo socoto.

Mr Kenyatta, oo ka soo jeeda qowmiyadda Kikuyu, iyo mucaaradkisii hore William Ruto oo ka soo jeeda qowmiyadda Kalenjin ayaa lagu eedeeyay inay huriyeen rabshado u dhexeeyay labada qowmiyadood.

Dacwadahan waxay la xiriiraan rabshadihii dhacay doorashada kadib 2007-dii kuwaas oo lagu dilay 1,200 oo qof, boqolaal kun oo qofna ay guryahooda ka carareen. Waxaa dacwad ka dhan ah loo gudbiyay maxkamadda caalamiga ah ee ICC.

Kiiska maxkamadda caalamiga ah ee danbiyada ayaa la baabi'yay kadib markii loo waayay cadaymo iyo markii ay dhinteen goobjoogayaashii muhimka ahaa ama la waayay. Laakiin dhaawacyadii qowmiyadeed ee hore ee dib loo furay wali si dhamaystiran looma tiiraanyo bixin.

Source: GO + BBC

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM