Uhuru Kenyatta oo laga dalbadey in xanibaada Qaadka kala hadlo Somalia

Image

NAIROBI, Kenya- Hogaamiyaha-yaasha gobolka  Meru ee laga soo saaro jaadka ayaa  Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, u qaybsanaha arimaha Bariga Afrika iyo Wasiirka arimaha gudaha ee dalkaas ka dalbadey in wadahadal la galaan dalka Somalia sidii sidii xanubaada looga qaada lahaa Jaadka miraa.

Talaadadii, dalka Somalia ayaa si KMG u hakiyey in diyaardaha sida Jaadka soo galaan Hawadeeda madaama ay suurtagal tahay in kooxda Al shabaab weeraro ku qaado garoonka Muqdishu.

U qaybsanaha arimaha dumarka Florence Kajuju ayaa sheegtey in mushkilada taagan lagu dhameeyo wadahadal diplomaasiyeed si loo badbaadiyo beeraleyda Qaadka miraa. Waxay tiri joojinta Qaadka waa wax laga xumaado mar ay booqasho ku joogtey xarumo ka tirsan gobolkaas.

" Waxaan ku tiirsaneyn iibinta Jaadka miraa dalka Somalia kadib markii wadanka Ingriiska joojiyey in dalkiisa la geeyo. Labadii maalmood ee ugu dambeyey ee xanibaada lagu soo rogey in Qaadka aan loo dhoofin dalka Somalia waxaan dhuminey Sh 100 milyan kasoo saameyn balaaran gaarsiiyey beeraleydii iyo ganacsatada gobolkaas kuwasoo lacagta ay ka helaan ku taakuleynayey Waxbarshada caruurtooda." ayey tiri haweeneydaan. 

Kajuju ayaa hadalkeeda raacsatey in inta badan qoysaska dagan gobolka Meru lacagta ay ka helaan iibinta Jaadka loo dhoofiyo Somalia ku bixiyaan waxbarashada caruurtooda.

" Waxay aheyd arin khaldan in gudoomiyaha gobolka Meru [ Peter Munya] faraha la galo arimaha gudaha dalka Somalia isagoo iib u raadinaya Qaadka gobolkiisa kasoo baxa, ma istaahilo inuu sii ahaado hogaamiyaha dadkaas." ayey Islaantaan tiri iyadoo hadalkeeda sii wadata.

Bishii July Munya waxaa uu booqdey maamulka goonida isu taagey ee Somaliland isagoo ka codsanaya in caahuurta ka dhimaan Qaadka kasoo baxa gobolkiisa kadib-na Ictiraaf u raadinayo.

Xildhibaan gobolkaas kasoo gala Barlamanka Kenya ayaa isagana sheegey in Munya uu joojiyo inuu faraha la galo arimaha gudaha dalalka caalamka.

" Waxaan Ilaahey ka baryeynaa in dowlada Somalia na dhageysato sabatoo ah Munya kama tarjumo aragtida dalka Kenya iyo shacabka ku nool gobolka Meru."  ayuu xildhibaankaan sheegey isaga oo saxafada la hadlaya.

Joojinta Qaadka Dowlada Somalia ayaa saameyn ku yeelan maamulada dalka jira, iyadoo diyaardaha sida maandooriyahaan ka dagayeen labadii maalmood ee ugu dambeeyey garoomada magaalooyinka Kismayo, Galkacayo, Qardho, Hargeysa iyo Laaacaano.

Dadka u kuurgala arimaha siyaasada ayaa aaminsan talaabada madaxweyne Xasan Shiikh ku joojiyey Qaadka imaanayey magalaada Muqdishu ku lug leedahay arimaha doorashada Somalia.

Cunista Jaadka dalka Somalia uga yimaada dalalka dariska la ah ayaa sababa dhibaatooyin qoys, dhaaqaale iyo caafimaad    kuwasoo madaxda dalka gabi ahaanba Iska indha-tiraan.

GAROWEONLINE + WAKAALADAHA

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM