UK oo ka hadashay shirka Somalida ee London

Image

Heshiiskaas ayaa warsaxaafadeedku ku tilmaamay mid taariikhi ah oo dhabbaha u xaaraya in ciidamada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada wadajir uga shaqeynayaan si cad qorshaha ammaanka qaran, si ay tartartiib u qaataan masuuliyada hogaanka si nabad loo helo.

Warsaxadeedka waxaa lagu xusey in dawlada UK ay door muhiim ah ka qaadanayso taageerada caalamiga ah ee amni ku soo celinta Soomaaliya, iyadoo dhaqaanahan cusub ee taageerada uu yahay mid kale oo dheeraad ku ah gagaarka au hadda bixiso dawlada UK ee ay ka mid tahay tababarka ay ciidamadda British-ka siiyaan ciidamadda qaranka Soomaaliya iyo kuwa midowga Afrika, tababarida Booliiska iyo hawlaha xasilinta iyo waliba ka hortaga ficiladda xagjirnnimadda.

Warkan ayaa waxaa lagu yiri; Amaanka wuxuu noqon doonaa mowduuca ugu muhiimsan shirka Soomaalida ee London lagu qabanayo 11-ka May, kaas oo isku keenaya dawlada cusub ee Federaalka ah, maamulada xubnaha ka ah dawladda Federaalka, iyo dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya si loo dardargaliyo horumarinta la iskuguna raaco iskaashi heer caalami ah oo baahidiisu tahay in Soomaaliya ay qaado dhabbaha ku jihaysan nabad buuxda iyo barwaaqo sanadka 2020.

Soomaaliya waxay u sii baahnaan doontaa taageero la taaban karo guud ahaan ammaanka, isbadal siyaasadeed, horuminta dhaqaalaha iyo bulshada si loo sugo in la adkeeyo horumarka ay sameysay shantii sano ee la soo dhaafay.

Warsaxadeedka waxaa lagu sheegay in xiligan oo kala bar dadka Soomaaliya aanay haysan cunto la isku hallayn karo, shirku waa fursad lagu xoojiyo jawaabta beesha caalamka ee abaarta jirta iyo baahida gargaarka bini'aadamtinimo waxaa loo baahan yahay taageerada caalamiga ah si looga hortago abaar baahsan, hadii aan taas la helinna horumarka siyaasadeed iyo ammaan ee Soomaaliya laga sameeyey tan iyo 2012-kii wuxuu noqon doonaa mid dib u dhac wajaho.

BBC

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM