UN-ka oo ku baaqay in Baaritaan lagu sameeyo Dadki lagu dilay Gaza

Image

WASHINGTON — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ku baaqay in baaritaan madaxbannaan oo hufan lagu sameeyo iskudhacii uu dhiiga badani ku daatay ee Jimcihi shalay ka dhacay xadka Israel iyo Gaza.

Isku-dhacyadaasi ayaa waxaa ay ciidamada Israel ku dileen 17 ruux oo Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 1,400 oo ruux. Dadkaasi dhaawacmay ayaa 750 ruux oo ka mid ahi la sheegay in lagu dhaawacay rasaas toos ah.

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii shalay kulan deg deg ah ka yeeshay xaalada Gaza, hase yeeshee kama aysan soo saarin go,aan ama bayaan ay u wada dhanyihiin.

Milatariga Israel waxay sheegeen in ay kala eriyeen dad sameeynayay mid ka mid ah dibadbixi ugu weynaa ee ka dhaca xuduuda Gaza muddo sannada ah.

Rabshadaha ayaa dillaacay kadib marki ay kumanaan Falastiiniyiin ah kusoo dhawaadeen xuduuda Israel iyo Gaza. Milatariga Israel ayaa rasaas ku jawaabay kadib marki ay qaar ka mid ah mudaaharaadayaasha bilaabeen in ay tuuraan dhagxaan sidoo kalana gubeen taayarro.

Dhinaca kalana waxaa maanta magaalada Gaza ka billowday aaska 17 ruux-ki ruux ee shalay ku dhintay isku dhacyada ciidamada Israel iyo dadka ka qeybgalay mudahaaradaadki ka dhacay xuduuda Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM