​Ururada Fatax iyo Xamaas oo heshiiyay

Image

Bayaan kasoo baxay Dhaq-dhaqaaqa wax iska caabbinta Islaamiga ah ee Xamaas, ayaa lagu sheegay inuu kala dirayo maaamulkiisa isagoo sida qoraalkaas lagu sheegay ay diyaar u yihiin inay qabtaan doorasho guud oo loo dhanyahay.

Ururkan fadhigiisu yahay marinka Ghaza ee dhulka Falastiin ayaa sidoo kale sheegay inay qorsheynayaan inay wada-hadallo kale la yeeshaan ururka ay iska soo horjeedaan ee Fatah, si ay u soo afjaraan khilaaf muddo soo socday.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulamo ay sirdoonka masaaridu gar-wadeen ka ahaayeen oo madaxda labada urur ay dhawaanahanba Qaahira ku yeelanayeen.

Tallaabadan waxaa durba soo dhaweysay ururka Fatah iyadoo Masar uga mahad celisay dadaalkeeda.

Azzam al-Ahmad, oo ah madaxa wafdiga Fatah ee Masar ayaa sheegay in tallaabadan ay xoojineyso midnimada siyaasadda Falatsiiniyiinta, ayna meesha ka saareyso kala qeybsanaantii sababtay dhibaatada ay Falastiiniyiinta ku jiraan siduu sheegay.

Qorshahan ayaa dadka siyaasadda  waddankaas la socday u fasireen inay tahay mid hormuud u noqon karta midow dhex mara labada garab.

 Xamaas iyo ururka Xoreynta Falastiin ee Fatax loo yaqaanno ee uu hogaamiyo madaxweynaha falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas ayaa muddo ka dhaxeeyay muran salka ku haya siyaasadda iyo dhulka.

Dad badan oo reer Falasatiin ah ayaa qorshahan u arka mid u horseedi kara dhismaha dowlad loo dhanyahay.

Khilaafka labada dhinac ayaa soo billowday sanadkii 2007-dii, kadib markii Xamaas oo cod buuxa lagu doortay ay ka saartay Fatax guud ahaa marinka Ghaza.

Dhowr jeer oo hore isku day labada garab ku doonayeen inay ku dhistaan dowlad midaysan ayaa ku guurdarraysatay.

Ghaza waxaa ka oogan xaalad bini-aadanimo oo aad u adag, waxaana ka jirta baahi weyn oo ka dhalatay korontada oo dhulkaasi intiisa badan ka maqan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo ka tagey Pakistan isaga oo aan la kulmin ergadii Mareykanka

“Wax walba annaga ayaa gacanta ku hayna. Way na soo wici karaan mar kasta oo ay doonaan,” ayuu raaciyay.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:35PM

Al-Sisi oo ka digay “isku dayo ula kac ah” oo Israel ku beddelayso khariidadda Bariga Dhexe

Waxa uu sidoo kale si cad u muujiyay diidmada adag ee Masar ee ku aaddan isku day kasta oo lagu barakicinayo shacabka Falastiiniyiinta.

  • Caalamka

    25-04-2026

  • 05:07PM