Waa kuma Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Australia?

Image

Xisbiga talada haya ee Liberal Party ee Australia ayaa Wasiirkii maaliyadda Scott Morrison u doortay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi maanta oo Jimciha ah.

Morison ayaa kaga adkaaday jagadaasi wasiirkii hore ee arrrimaha gudaha Peter Dutton iyo wasiirka arrimaha dibadda Julie Bishop oo uu kaga adkaaday doorashada wareeggii koowaad.

Wuxuu baddalayaa hadda Ra’isul wasaarihi hore Malcolm Turnbull oo ku guul dareystay inuu codka kalsoonida ka helo xisbiga talada haya.Turnbull uma uusan tartamin doorashada maqaamka Ra’isul wasaaraha ee xisbiga talada haya.

Wuxuu sheegay inuu iscasilayo kana baxayo siyaasadda.

Magacaabista Scott Morrison ayaa soo gaba gabeyneysa qalalaaso siyaasadeed oo ka dhex oognaa dowlada muxaafidka ah ee Australia xilli ay dalkaasi kusoo dhawaadeen doorashooyinka baarlamaaniga ah oo loo qorsheeyay in ay dhacaan bisha May ee sannadka 2019.

Wuxuu noqo doonaa Ra’isul wasaarihi lixaad ee ay Australia yeelato muddo 11 sano ah.

Related Articles

Warbixin Cusub: Khataraha Al-Qaacida iyo ISIS oo Sii Kordhaya Afrika iyo Suuriya

Suuriya ayaa sidoo kale noqotay xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah howlgalada dibadda ee ISIS iyo Al-Qaacida.

  • Caalamka

    01-08-2025

  • 01:26PM

Diyaarad dagaal oo F-35C ah oo ku burburtay California, duuliyihiina si nabad ah uga badbaaday

Wali lama shaacin sababta keentay shilka, hase yeeshee baaritaan buuxa ayaa socda si loo ogaado wixii dhacay.

  • Caalamka

    31-07-2025

  • 04:43AM