Waqooyiga Kuuriya oo Gantaal tijaabisay

Image

Waqooyiga Kuuriya ayaa Gantaal aan noociisa la aqoon ku gantay xadka ay la wadaagto dalka Japan sida ay sheegtay Koonfurta Kuuriya oo kala dhaxeeyo cadaawad xoog leh.

Gantaalkan, ayaa laga ganay gobolka Tongchang-ri oo ku dhaw xadka Woqooyiga Kuuriya la leedahay Shiinaha, sidaana waxa sheegtay milatariga Koonfur Kuuriya.

Bishii hore ayaa Woqooyiga Kuuriya waxay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaalaha riddada dheer ee loo yaqaan Ballistic Missile oo markii la tijaabinayey uu goob joog ka ahaa hogaamiye Kim Jong-un.

Balse, dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan iyo dhacdooyinka la xiriir gaar ahaan tignoolajiyada loo adeegsaday.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa dalkan ka mamnuucday inuu adeegsado Gantaalada Ridada dheer, waxaana aad loo cambareeyay Gantaal la tuuray bishii hore, kuwaasoo ay kasoo horjeedsadeen Qaramada Midoobay, Maraykanka, Koonfur Kuuriya iyo Japan.

Beryahan dambe hawlaha ka socday gobolka Tongchang-ri oo ah halka uu ku yaal saldhigga Sohae ee laga gano dayax gacmeedyadu, ayaa walaac ku abuuray saraakiisha Japan.

Woqooyiga Kuuriya waxay marar badan sheegtaa in barnaamijkeeda tiknoolojiyada hawada sare yahay mid nabadeed laakiin waxa la rumaysanyahay in ay damacsantahay in ay samaysato gantaalaha qaaradaha isaga gudba si ay weerar ugu ekayso Maraykanka.

Gantaalka ayaa la ganay 07:30 xilliga waqtiga Kuuriyada Waqooyi maanta oo isniin ah, wuxuuna ku dhacay Badda Japan.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM