Waqooyiga Kuuriya oo Gantaal tijaabisay

Image

Waqooyiga Kuuriya ayaa Gantaal aan noociisa la aqoon ku gantay xadka ay la wadaagto dalka Japan sida ay sheegtay Koonfurta Kuuriya oo kala dhaxeeyo cadaawad xoog leh.

Gantaalkan, ayaa laga ganay gobolka Tongchang-ri oo ku dhaw xadka Woqooyiga Kuuriya la leedahay Shiinaha, sidaana waxa sheegtay milatariga Koonfur Kuuriya.

Bishii hore ayaa Woqooyiga Kuuriya waxay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaalaha riddada dheer ee loo yaqaan Ballistic Missile oo markii la tijaabinayey uu goob joog ka ahaa hogaamiye Kim Jong-un.

Balse, dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay baarayaan kiiskan iyo dhacdooyinka la xiriir gaar ahaan tignoolajiyada loo adeegsaday.

Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ayaa dalkan ka mamnuucday inuu adeegsado Gantaalada Ridada dheer, waxaana aad loo cambareeyay Gantaal la tuuray bishii hore, kuwaasoo ay kasoo horjeedsadeen Qaramada Midoobay, Maraykanka, Koonfur Kuuriya iyo Japan.

Beryahan dambe hawlaha ka socday gobolka Tongchang-ri oo ah halka uu ku yaal saldhigga Sohae ee laga gano dayax gacmeedyadu, ayaa walaac ku abuuray saraakiisha Japan.

Woqooyiga Kuuriya waxay marar badan sheegtaa in barnaamijkeeda tiknoolojiyada hawada sare yahay mid nabadeed laakiin waxa la rumaysanyahay in ay damacsantahay in ay samaysato gantaalaha qaaradaha isaga gudba si ay weerar ugu ekayso Maraykanka.

Gantaalka ayaa la ganay 07:30 xilliga waqtiga Kuuriyada Waqooyi maanta oo isniin ah, wuxuuna ku dhacay Badda Japan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM