Wararkii uguu dambeeyay Toogasho ka dhacday Mareykanka

Image

Parkland - Ugu yaraan 17 Arday ayaa lagu dilay Toogasho ka dhacday Iskuul ku yaalla gobolka Florida ee dalka Mareykanka, taasi oo uu fuliyay wiil 19 sano jir ah oo lagu magacaabo Nikolas Cruz.

In ka badan 14 kale, oo qaar kamid ah xaaladooda caafimaad laga dayrinayo ayaa ku dhaawacmay weerarka, kaasi oo Taariikhda dalka Mareykanka ka galay baal madow.

Nikolas Cruz, ayaa gacanta lagu dhigay saacad kadib markii uu Ardayda ku laayay gudaha Iskuulka Marjory Stoneman Douglas High School oo ku yaalla degmada Parkland habeenkii Arbacada [Xalay].

Saraakiisha FBI-da ayaa sheegay in Nikolas Cruz uu ku hubaysnaa qori daran-doori u dhaca [AR-15 rifle], waxaana rasaasta uu kasoo billaabay banaanka Iskuulka oo dhowr qof ku dilay, kahor inta uusan gudaha galin.

Nikolas Cruz ayaa ah Arday horey u dhigan jiray Iskuulka weerarka uu ka fuliyay, waxaana looga eryay falal edeb-darro [disciplinary problems] iyo dembiyo kale oo uu ku kacay intuu Ardayga ahaa.

Nikolas Cruz, ayaa gacanta lagu dhigay isagoo baxsad ah

Toogashada ayaa waxay billaabatay 2:40pm [Sagaal Saac oo 20 dhiman oo maalinimo] waqtiga Mareykanka, oo ku beegnayda labo saac oo labaatan dhiman waqtiga geeska Africa.

Booliska gobolka Florida ayaa sheegay in Nikolas Cruz uu yahay shaqsi ay yaqaanaan laamaha amniga, isagoo horey u sameeyay 17 isku day dil.

Tooshada xalay dhacay ayaa ahayd midii ugu khasaaraha badnaa ee Taariikhdan casriga ah soo mara dalka Mareykanka, oo hubka si caadi ah loogu iibiyo Suuqada, qof kastana uu iibsan karo.

"Waxay ahayd toogasho argagax leh, waxay noo noqotay maalin xanuun badan, oo aan ku waynay 17 Arday oo aan jeclayn, oo gabdho iyo wiilal isagu jiray," ayuu yiri maamulaha Iskuulka Robert Runcie.

Madaxweyne Trump ayaa cambaareeyay weerarka Iskuulka, iyadoo hoos loo dhigay Calanka Mareykanka masiibada dhacday awgeeda. Saraakiisha FBId-da ayaa gacan-ku-dhiiglaha ku sheegay nin xanuunsan oo maskaxda looga jiro.

Sanadkii tagey, nin hubaysan ayaa Kaniisad ku taalla Texas ku dilay 26 qof, bil kahor weerarkaasi 58 ruux ayaa ku dhimatay weerar kale oo ka dhacay meel ay ka dhacaysay ruwaayad magaalada  Las Vegas. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM