WARBIXIN: Siyaasada dhexdhexaadnimada Suudaan oo fashil qarka u saaran
KHARTOUM- Siyaasada dalka Suudaan ee Murugsan ayaa waxay ku socotaa heer khatar ah. Dalka dhaqaalihiisa ayaa qarka u saaran in uu burburo. Qiimaha cuntada daruuriga ah ayaa maalin walba kor u kaceysa, iyadoo xaalada nololeed ee dadka caadiga ah xumaaneyso kuwasoo bilaabey iney welwel ka muujiyaan jihada dalkaas ku socdo.
Dhibaatooyinka dhaqaale ee dalkaan haysta ayaa waxaa kamid ah dhinaca shidaalka taasoo dowlada dalka Suudaan xal u waydey. Saraakiil sare oo ka tirsan dowlada dalkaas ayaa qirey in dalku ku dhow yahay heer uu Musalafo ' Bankarupt'. Halka kuwo badan rumeysan yihiin in hadii dalka sidaas ku sii socdo uu burburayo.
Iyadoo dhibaatooyinkaan dhan jiraan, Madaxweynaha Suudaan Cumar al- Bashir ayaa ku adkeysanaya in markale doorashooyinka dalkaan ka dhacaya sanadka 2020 xilkaan u tartamo, waxaa jira dhinaca kale labo amar oo ah in lasoo xiro kuwasoo ay bixisay Maxkamada dambiyada caalmaiga ah (ICC).
Si uu u xaqiijiyo jirtaanka Madaxweyne-nimadiisa, ayaa Cumar al-Bashir waxaa uu cayaarayey in muddo ah siyaasad arimo dibadeed ee murugsan, isagoo isu miisaamaya awoodaha dibadeed oo ku tartamaya gacan ku haynta gobolka. Waxaa jira cadaadis lagu saarayo inuu doorto dhinacyadaan midkood iyadoo la filayo inuu fashilmo qorshihiisa dhexdhexaadnimada ahaa.
Raadintiisa tageerada Mareykanka, isagoo ku cayaarsiinaya dalka Ruushka
October 2017, dalka Mareykanka waxaa cunaqabateyntii dhaqaale ee lagu soo rogey muddo 20 sano ku dhow uu ka qaadey dalka Suudaan. Suudaan ayaa loo ictiraafey sanadkii 1997 iney tahay dal marti galiya argagisixda caalamiga ah.
Bisha soo socota, dalka Suudaan iyo Mareykanka ayaa bilaabaya wajiga labaad ee ka qaadista cunaqabateyntii lagu soo rogey taasoo ka kooban Shan qodob, dalkaan ayaa filaya in xayiraada dhaqaale ee saaran gabi ahaan laga qaado.
Midowga Yurub ayaa sidoo kale dedejinaya barnaamijyo lagu taageeraya dalka Suudaan. Khartoum ayaa ka heshay malaayiin lacag ah wadamada midowga Yurub kuwasoo lagula tacaalayo muhaajiriinta Afrika ee ku wajahan dalalka Yurubta Galbeed.
Sikastaba, al- Bashir ayaa ka shakisan dalka Mareykanka. Sanadkii lasoo dhaafey, waxaa jirey warar sheegaya in dalka Mareykanka fariin u soo direy Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar al- Bashir kaasoo ugu sheegayo inuusan isu sharaxin doorashada dalkaas ka dhaceysa 2020, hadalkaan waxaa beeniyey Wasiirka arimaha dibada dalkaas.
Cumar al-Bashir ayaa shakigiisu kor u sii kacay bartamihii bishii November 2017 kadib markii ku xigeenka xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka John Sullivan booqasho ku tagey dalka Suudaan balse aan la kulmin Madaxweynaha dalkaas. Al- Bashir ayaa aaminey iney jirto koox gaar ah ee ka tirsan maamulkiisa kuwasoo is-fahan hoose ka dhexeeyo Mareykanka iyagoo rajo ka qaba in mustaqbalka gacanta ku dhigaan talada dalkaan.
Madaxweyne Cumar al-Bashir ayaa booqashada uu ku tagey dalka Suudaan ku xigeenka xoghayaha arimaha dibada dalka Mareykanka kadib waxaa uu burburiyey koox uu ku tilaamey iney heshiis hoose la galeen Washington isagoo xilalka ka qaadey Wasiirka arimaha dibada, ibraahim Ghandour, agaasimaha guud ee hay'ada sirdoonka dalkaas, Maxamad Atta iyo taliyaha guud ee ciidamada, General Emad al-Din Adawi.
Al-Bashir ayaa sidoo kale dhowaan saraakiil sare oo ka tirsan xisbiga talada haya "National Congress Party" isku shaandheyn ku sameeyey iyo golihiisa Wasiirada si uu gacanta ugu dhigo awooda dalkaan inta aan la gaarin doorashada la filayo iney dhacdo 2020.
Si uu u soo jiito indhaha Washington, al-Bashir ayaa go'aansadey inuu booqasho ku tago dalka Ruushka December 2017. Inta uu ku guda jirey booqashda waxaa uu la kulmay Madaxweyne Vladamir Putin, isagoo muujiyey taageerada uu u hayo siyaasada bariga dhexe ee dalkaas, gaar ahaan Suuriya, Ciraaq iyo Yamen, sidoo kalena waxaa uu cambaareeyey faragalinta Mareykanka ee gobolka.
Al-Bashir xitaa waxaa uu ka codsadey Putin in laga difaaco siyaasada faragalinta xambaarsan ee dalka Mareykanka isagoo ku casumey in dalka Ruushka saldhig Militari ka sameysto Badda Cas, talaabadaan oo loo arkey fariin ku socota USA, ayaa timi asbuucyo kadib markii Washington cunaqabateynta dhaqaale ka qaadey dalkaas.
Siyaasada Cumar al- Bashir ku cayaarsinayo dalalka Khaliijka
Heer gobol, Bashir waxaa uu isku dayayaa inuu misaamo siyaasadaha iska soo horjeeda ee wadamada danaha ka leh dalkiisa. Markii Madaxaweynaha dalka Turkiga Erdogan booqdey Suudaan January, isaga iyo Bashir waxay saxiixeen heshiis dhaqaale ee labada dal ah, kaasoo uu ku jirey in laga kireeyo dalka Turkiga Jasiirada Suakin ee ku taal badda Cas.
Ankara iyo Khartoum ayaa isla ogolaadey in maalgaliyaasha dalka Turkiga dib u dhisaan goobaha taarikhiga ah ee jasiiradaan si loogu horumariyo in goobtaas noqoto mid dalxiisayaasha soo jiidatada islamarkaana la dhigo marin looga gudbo dadka u socda dalka Sucuudiga oo damacsan iney booqdaan magaalada barakeysan ee Mecca.
Bishii March, dalka Suudaan waxaa uu la saxiixey dalka Qatar heshiis kale oo qiimihiisu yahay $4bn kaasoo lagu horumarinayo jasiirada Suakin dekad ku taal. Dalka Qatar ayaa horey dalka Suudaan ula galey heshiisyo maalgalin oo gaaraya $2bn kuwasoo la filayo iney kordhaan mustaqbalka.
Heshiisyadaan ayaa abuurey warar ah in dalka Suudaan ku tiirsanaantii wadamadii taarikhiyan xiriirku ka dhexeeyey. In al-Bashir Badda Cas keeno Qatar iyo Turkey shaki la'aan waxay welwel ku abuureysaa wadamada Sucuudiga, Imaraadka Carabta iyo Masar kuwasoo dalka Qatar ku eedeeya iney taageerto ururka Akhwaanul Muslimiin.
Al-Bashir ayaa horey xiriirka ugu jarey dalka Iran 2016 si uu taageero dhaqaale uga helo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta isagoo kumanaan ciidamadiisa ah u direy dalka Yemen si ay uga dhinac dagaalamaan is-baheysiga Riyad hogaaminneyso.
Markii uu bilowdey khilaafkii Khaliijka sanadkii hore, Bashir ayaa isku dayey inuu qaato mowqifka dhexdhexaadnimada isagoo go'aansadey inuusan taageerin cunaqabateyntii dalka Qatar lagu soo rogey. Bishaan horaanteedii ayaa waxaa jirey warar sheegaya in dalka Sucuudiga iyo Imaaraadka qodobo adag ku xireen sii wadista tageeradda dhaqaale ee Suudaan, taasoo ay ku jirto in xiriirka Turkey iyo Qatar uu hoos u dhigto ama jaro. Suudaan ayaa si deg deg ah ku beenisay wararkaan, iyadoo sheegtey ineysan jirin cid cadaadis ku haysa dowlada.
Si kastaba ha ahaato, waxaa jirey calaamado kale oo abuurayey is-maandhaaf. May 2, Wasiirka difaaca dalka Suudaan ayaa Barlamanka dalkaas u sheegey in dowlada dib u qiimeyneyso doorka ay ku leedahay dagaalka Yemen, iyadoo go'aan laga gaari doono. Waxaa jira warar sheegaya in boqolaal askarta Suudaan ku dhinteen dagaalka halka kumanaan kale ku dhaawacmeen.
Khartoum ka mid ahaanshaheeshda dagaalka Yemen waxaa horey su'aalo dowlada uga waydiiyey xubno ka tirsan Barlamanka dalkaas iyo jaraa'id tageersan xukunka al-Bashir. Waxaa jirey eedeymo soo kordhayey oo loo jeedinayo Sucuudiga iyo Imaaraadka kuwasoo ku aadan taageerada uu siiyo ineysan waxba ka tarin shidaal yaraanta dalkaas ka jirta. Is-barbardhig shacabka dalkaan ku sameeynayaan ayaa jirta wadanka Masar oo ciidamo aysan ka joogin Yemen inuu tageero dhaqaale badan ka helo wadamada Khaliijka uu Sucuudigu hogaaaminayo marka loo eego Suudaan.
Jirtitaanka eedeyntaan, hadana in dalka Suudaan ciidamadiisa kala baxo dalka Yemen ma aha wax run ah, waxayna u badan yihiin kuwo dowlada cadaadis ku saareyso Sucuudiga iyo Imaaraadka si ay u xaliyaan dhibaatooyinka dhaqaale ee jira. Dadka la socda siyaasada gobolka ayaa qaba in dalka Suudaan ciidamadiisa joogi doonaan dalka Yemen mustaqbalka soo socda si ay fursado uga helaan wadamada gacansaarka siyaasadeed iyo dhaqaale ay lahaayeen taarikhiyan.
Dalalka Sucuudiga iyo Imaraadka ayaa waxaa ka shaqeeya kumanaan dad ah oo u dhashey dalka Suudaan kuwaasoo dhaqaalaha ay ka helaan labadaan dal dib ugu soo dira eheladooda.
Xaaladu si kastaba ha ahaato, waxaa muuqda in awooda Madaxweynaha dalka Suudaan uu ku cayaarsiinayo dalakaan iska soo horjeeda siyaasiyan ay hoos u dhaceyso, iyadoo kuwo kamid ah dalkaan u sheegayaan in dhinacooda uu ahaado ama dhinaca kale " you are either with us or against us."
Ugu dambeynta, qorshihiisa iska horkeenka wadamadaan ku saleysan ayaa waxaa ay waxyeelo u gaysaneysaa danaha guud ee qaranka Suudaan leeyahay. Isagoo ka dhigaya mustaqbalka in dalkaan noqodo goob ay ku hardamaan awoodo iska soo horjeeda.
Warbxintaan Warsidaha Garowe online ayaa kasoo ururiyey dhacdooyinka sheegaya xaalada dalka Suudaan ku sugan yahay kuwasoo ay ka qoreen shaqsiyaad iyo wakaalado warar.