Warbixin: Trump oo amray qareenkiisa inuu been u sheego Congress-ka

Image

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay inuu ku amray qareenkiisa inuu aqalka Congress-ka uga been sheego dadaallo uu doonayey inuu daar loogu magca daray Trump Tower uga dhiso magaalada Moscow.

Warbahainta BuzzFeed News ayaa sheegtay in warkan ay kasoo xigatay laba sarkaal, oo ka tirsan hay’adaha sharci-fulinta Mareykanka.

Ilo-wareedyadan ayaa sheegay in qareenkii hore ee Trump, Michael Cohen uu u sheegay Robert Mueller oo ah baaraha faro-gelinta Ruushka, in madaxweynaha uu ku amray inuu Congress-ka uga been sheego la-macaamilkiisa Ruushka.

BuzzFeed waxa ay sheegtay in ilo-wareedyada ay warkan kasoo xigatay ay sidoo kale ku lug leeyihiin baaritaanka lagu sameynayo arrintan.

Sida ay BuzzFeed sheegtay, Trump iyo labadiisa caruur, Ivanka iyo Donald Jr, ayaa mar kasta faah-faahin ku saabsan mashruuca dhismaha Trump Tower ee Moscow ka heli jiray Cohen oo ay madax uga dhigeen.

Xilliga Cohen uu Trump uga warbixinayey wada-xaajoodyada uu la lahaa Ruushka ee ku saabsanaa dhismaha daartan, ayaa Trump waxa uu ku mashquulsanaa ololihiisa doorashada, isaga oo beenin jiray inuu wax xiriir gacansi ah la lahaa Ruushka.

Xubnaha diqmoqraadiga ee aqalka wakiilada Mareykanka ayaa sheegay in arrintan ay tahay dambi weyn, islamarkaana ay sameyn doonaan baaritaan ay uga gun gaarayaan xaqiiqda.

VOA 

Related Articles

Midowga Yurub oo Google ku ganaaxay $3.5 bilyan; Trump oo cambaareeyay

Go’aankani wuxuu imaanayaa in ka badan laba sano kadib markii guddigu dacwadda rasmiga ah ka gudbiyay Google.

  • Caalamka

    07-09-2025

  • 06:42AM

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM