​Wariyaal la toogtay iyagoo toos wax u tabinaya

Image

Saddex nin ayaa la xiray kaddib markii la toogtay laba weriye oo si toos ah u tabinayay idaacad ku taal Jamhuuriyadda Dominica.

Mid ka mid ah weriyayaasha ayaa la toogtay isagoo duubaya muuqaal si toos ah looga baahinayay Facebook-ga.

Muuqaalka ayaa muujinaya tabintii tooska aheyd oo ay soo dhexgashay rasaas iyo haween argagaxsan oo ku qeylinaya "Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday! Rasaas baa dhacday!".

Booliska ayaa sheegay in toogashadu ay Talaadadii ka dhacday magaalada San Pedro de Macoris, ee ku taalla bariga magaalada caasimadda ah ee Santo Domingo.

Labada weriye ee la dilay ayaa kala ah soojeediye Luis Manuel Medina iyo soo saare Leo Martinez.

Haweeney sidoo kale ku dhaawacantay weerrarka ayaa haatan qalliin lagu hayaa sida ay sheegeen mas'uuliyiinta maxaliga ah.

Ragga la xiray ayaanan weli lagu soo oogin wax dacwad ah, booliskuna waxa uu sheegay in aanay garanayn sababta keentay weerrarkan.

Ivory Coast oo lix saxafi u maxkamadaysay sidii ay u tabiyeen wararka askar gadooday

"Baaritaanadu waa ay bilowdeen oo waannu isku dayi doonnaa inta karaankayaga ah inaannu runta ka sal gaarno." Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dominica, Jean Rodriguez, ayaa sidaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah.

Bishii Agoosto 2015, laba weriye oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa lagu toogtay Virginia iyagoo si toos ah TV ugu warramaya.

BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM