Wariye Caan ah oo Killidiisa u beecinaya dhibaato dhaqaale

Image

NAIROBI, Kenya - Wariye caan ah oo u dhashay dalka Kenya, oo lagu magacaabo Swaleh Mdoe ayaa ku dhawaaqay inuu iibinayo mid kamid ah Kiliyihiisa, kadib markii dhibaato dhaqaale ay soo wajahday.

Swaleh, oo wararka Afka Sawaaxiliga ka akhriya Citizen TV oo fadhigiisa yahay Nairobi ayaa shaaciyay in Kilidiisa uu ku iibinayo lacag gaaraysa Sh2.5 million [Labo Milyan iyo Shan Boqol oo Kun[ oo Shilin, lacagta Kenya oo u dhiganta 19-kun oo Dollar.

Wariyahan oo ah Aabe dhalay dhowr caruur ah ayaa sheegay in go'aanka uu qaatey kadib markii uu la-tashiyo la sameeyay dhaqtarkiisa gaarka ah, oo u xaqiijiyay in wax dhibaato ah kala kulmi doonin hadii hal Kili laga bixiyo.

Mdoe ayaa u sheegay Warbaahinta in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, islamarkaana dhiigiisa uu yahay nooca [O+ blood] isagoo intaasi ku daray in cidii danaynaysa in Kilidiisa ka iibsato ay lasoo xiriiri karto.

"Waxaa isoo wajahay dhibaato dhaqaale, waxaana si deg deg ah ugu baahanay lacag aan isaga bixiyo deymaha la igu leeyahay, sidaasi darteed waxaan go'aansaday inaan iibiyo mid kamid ah Kiliyaashayda," ayuu yiri Mdoe.

Sheekada Mdoe ee ku aadan beecinta Kilidiisa ayaa ka yaabisay shacabka Kenya, iyadoo si aad ah loogu wadaagay baraha bulshada, oo dadka qaar ay ugu baaqayeen inuu ka tanaasulo iibinta xubinta Jirkiisa, islamarkaana qaab kale isku xaliyo.

Kaalinta Kilida shaqada jirka bini'aadanka ayaa ah inay dhiiga ka saarta wasaqda ku jirta iyo isku dheela-tirka Cadaadiska dhiigga, waxaana dadka cillada ama xanuunka kasoo wajaha lagu sameeyay "dialysis" saacado badan Todobaadkiiba mar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM