Wariye Caan ah oo Killidiisa u beecinaya dhibaato dhaqaale

Image

NAIROBI, Kenya - Wariye caan ah oo u dhashay dalka Kenya, oo lagu magacaabo Swaleh Mdoe ayaa ku dhawaaqay inuu iibinayo mid kamid ah Kiliyihiisa, kadib markii dhibaato dhaqaale ay soo wajahday.

Swaleh, oo wararka Afka Sawaaxiliga ka akhriya Citizen TV oo fadhigiisa yahay Nairobi ayaa shaaciyay in Kilidiisa uu ku iibinayo lacag gaaraysa Sh2.5 million [Labo Milyan iyo Shan Boqol oo Kun[ oo Shilin, lacagta Kenya oo u dhiganta 19-kun oo Dollar.

Wariyahan oo ah Aabe dhalay dhowr caruur ah ayaa sheegay in go'aanka uu qaatey kadib markii uu la-tashiyo la sameeyay dhaqtarkiisa gaarka ah, oo u xaqiijiyay in wax dhibaato ah kala kulmi doonin hadii hal Kili laga bixiyo.

Mdoe ayaa u sheegay Warbaahinta in caafimaadkiisa uu wanaagsan yahay, islamarkaana dhiigiisa uu yahay nooca [O+ blood] isagoo intaasi ku daray in cidii danaynaysa in Kilidiisa ka iibsato ay lasoo xiriiri karto.

"Waxaa isoo wajahay dhibaato dhaqaale, waxaana si deg deg ah ugu baahanay lacag aan isaga bixiyo deymaha la igu leeyahay, sidaasi darteed waxaan go'aansaday inaan iibiyo mid kamid ah Kiliyaashayda," ayuu yiri Mdoe.

Sheekada Mdoe ee ku aadan beecinta Kilidiisa ayaa ka yaabisay shacabka Kenya, iyadoo si aad ah loogu wadaagay baraha bulshada, oo dadka qaar ay ugu baaqayeen inuu ka tanaasulo iibinta xubinta Jirkiisa, islamarkaana qaab kale isku xaliyo.

Kaalinta Kilida shaqada jirka bini'aadanka ayaa ah inay dhiiga ka saarta wasaqda ku jirta iyo isku dheela-tirka Cadaadiska dhiigga, waxaana dadka cillada ama xanuunka kasoo wajaha lagu sameeyay "dialysis" saacado badan Todobaadkiiba mar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM