Wasiirada arimaha dibada Kenya oo u tartameysa madaxa ururka midowga Africa

Image

NAIROBI, Kenya- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho ku tagey dalka Namibia ayaa la kulmay dhigiisa Hage Geingob isagoo labalaabey dadaalka uu ugu jiro in dalkiisa ku guuleysto doorashada madaxa ururka midowga Africa.

Doorashada oo la filayo iney maanta dhacdo ayaa waxaa musharxiinta ugu cad cad wasiirada arimaha dibada dalka Kenya Amino Cabdulahi.

Tan iyo intii lagu dhawaaqey musharaxnimada Amino Cabdulahi ayaa Madaxweynaha dalka Kenya waxaa uu wafdiyo u kala direy 53 wadan.

Wadanka Namibia oo ka tirsanwadamada la isku yirahdo SADC ayaa waxay taagerayaan musharax  Pelonomi Venson-Moitoi.

Amino Cabdulahi ayaa sidoo kale la tartameysa musharaxiin ka kala yimid wadamada Equitorial Guinea, Chad iyo Senegal.

Wasiirada arimaha dibada dalka Kenya ayaa sidoo kale kulmisay maalmihii lasoo dhaafey 12 wadan oo la tirsan Barriga Africa kuwasoo u muujiyey iney tageerayaan musharaxnimadeeda.

" Wasiirada arimaha dibada wadamada Barriga Africa waxay isla garteen iney tageeraan musharaxooda islamarkaana wadahadal la galaan wadamada kale ee Africa" sidaas waxaa yiri wasiirada arimaha dibada Kenya.

Dhinaca kale waxaa doorashadaan saameyn balaaran ku leh wadamada Koonfur Africa, Naigeria, Ethiopia iyo Masar  kuwasoo ciidamo ahaan iyo dhaqaale ahaan awood badan leh.

GAROWEONLINE + Wakaaladaha 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM