Weerar ka dhacay afaafka hore xarunta Barlamanka Britain

Image

LONDON, Britain- Rasaas xoog leh ayaa goordhaweyd ka dhacday afaafka hore xarunta Barlamanka Ingiriiska ee magaalada London.

Warar hordhac ah oo soo gaaraya GO, ayaa sheegaya inay dhaawacmeen ilaa 12 qof kuwaasoo ku sugnaa goobta uu weerarku ka dhacay.

Majirto ilaa hadda cid faah faahin ka bixisay dhacadadan, balse waxaa goobta gaaray booliis aad u badan oo isku geedaamay dhismaha golaha Barlamanka.

Dhismaha Barlamanka ee Westminster, waxaa ka socda kulan Xildhibaanada la haayeen, iyadoo Ra'isal wasaaraha dalkaas oo goobta joogayna loo qaadya meel ammaan ah shaqaaqada ka dib.

Saraakiil katirsan Booliiska ayaa warbaahinta Britain, waxay u sheegeen in kiiskan aysan kala cadayn karin inuu yahay mid si caadi ah u dhacay iyo inuu xiriir la leeyahay falalka kooxaha Arga-gixisada.

Mid kamid ah ciidamada Booliiska dalkaas ayaa goobta lagu tooreeyay, inkastoo ruuxii falkaas gaystay ay dileen ciidamadu.

Goobjoogayaal ayaa sheegay inay arkeen dad dhaawcmay oo gargaar deg deg ah lagu siinayo goobta.

Warbaahinta qaarkeed waxay daabacday in arrintan timid kadib markii uu halkaas ka dhacay shil-baabuur.

Waaxda maamusha gaadiidka dadweynaha London ayaa sheegtay in boolisku uu ka dalbaday in la xiro boosteejada tareenka laga raaco ee ku taalla agagaarka dhismaha Westminster.

Arrintan ayaa timid xilli cabsi xoog leh Booliiska Britain ka qabaan weeraro uga yimaada Argagixisada.

GAROWEONLINE


Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM