Weerar lagu dilay 53 katirsan ciidamada Masar

Image

QAAHIRA, Masar- Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Masar ayaa faah faahin ka bixisay weerar ka dhaca Saxaaraha Galbeed ee dalkaas, kadib markii weerar lagu qaaday ciidamo katirsan kuwa ammaanka.

53 katirsan ciidamadaas ayaa la dilay kadib markii lagu qaaday weerar iyagoo ku jira howlgal ka dhan ah kooxaha argagixisada ee ku sugan Galbeed dalkaas.

Sidoo kale Wasaarada arrimaha gudaha Dalka Masar ayaa sheegtay in 15 ka tirsan kooxaha argagixisada lagu magacaabo Xasm lagu dilay weerarkan.

Kolonyo ciidamada ammaanka ayaa kooxahaasi weerar ku qaaday halkaasi oo ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac.

Ciidamada Masar ayaa halkaasi u jiheystay ka dib markii ay heleen warar sheegaya in deegaanadaasi ay ku dhuumaaleysanayaan kooxda weerarka geystaya, balse intii ay halkaasi kusii socdeen ayaa waxaa dhexda u galay dagaalyahano katirsan kooxda weerarka geysatay, kuwaa oo adeegsanayay bamabooyin iyo baasuukayaal.

Xukuumadda Qaahira ayaa in muddo ah dagaal kula jirtay kooxo Islaamiyiin ah oo kasoo horjeeda dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Cabdifataax Al-sis.

Laamaha ammaanka Masar ayaa waxa ay ku tilmaameen kooxdan Hasm in ay yihiin garabka hubaysan ee ururka Akhwaanul Muslimiinta.

Balse kooxdan ayaa beenisay in ay ka tirsan yihiin ururka Akhwaanul muslimiinta.

Kooxdani Xsma ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka yihiin kooxo weeraro la bartilmaameedsada laamaha ammaanka ee Masar.

Xaaladda Galbeedka waddankaas ayaa iminka degan waxaana aad loo xoojiyay howlgalka ciidamada Masar ee ka dhan ah kooxaha Argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM