Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay Gantaal gaari kara Mareykanka

Image

Madaxweynaha dalka Koonfurta Kuuriya ayaa kulan degdeg ah la galay golihiisa amniga kadib markii Pyongyang tijaabisay Gantaal.


PYONGYANG - Woqooyiga Kuuriya ayaa mid kamid ah Gantaalada Ridada dheeer tijaabisay, talabadaan ayaa ah middii ugu horeysay tan iyo bishii September, sidaas waxaa xaqiijiyey Dowladaha Koonfurta Kuuriya, Japan iyo Mareykanka.

“ Woqooyiga Kuuriya waxay ka tuurtey Gantaal kuwo madaxa looga xiro hubka Nukliyeerka ah, goob Koonfurta kaga beegan xarunta Pyongyang.” sidaas waxaa wakaalada wararka Yonhap u sheegey sarkaal ka tirsan ciidamada Koonfurta Kuuriya.

Ma jirto ilaa iminka wax war ah oo Dowlada Kuuriyada Woqooyi kasoo saartey tijaabadaan.

Wasiirka difaaca Japan Itsunori Onedera ayaa sheegey in Gantaalkaan Hawada u galey xawaare gaaraya 4000 KM isagoo ku dul qarxey dhul u dhexeeya labada dal. 

Wasiirka difaaca Mareykanka ayaa sidoo kale sheegey in Gantaalkaan gaarey halka ugu fog, isagoo xusey in Pyongyang horey u qaadey talaabo ay khatar galin karto meel kasta oo aduunka ka tirsan.

Qiimeyn hordhac ah oo Wasaarada difaaca Mareykanka sameysay ayey ku sheegtey in Gantaalkaan (Inercontinental balllistic missile) madaxyada hubka Nukliyeerka qaadi karo isagoo gaari kara bartamaha cariga Mareykanka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa talaabadaan ku sheegey mid ay gacanta ku qabanayaan isagoo hoosta ka xariiqey in mowqifka Pyongyang ka taagan yihiin uusan isbadali doonin.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM