​Xaakim is-hortaagay xukunkii Donald Trump

Image

Xaakim ka tirsan federaalka Maraykanka ayaa si ku-meel-gaar ah u hor istaagay xannibaaddii uu Madaxweynaha dalka Maraykanka kusoo rogay dadka ka imaanaya 7 dal oo Muslim ah.

Garsoore  James Robart, oo jooga Seattle ayaa diiday tallaabada Donald Trump uu ku doonayo inuu xayiraad kusaaro dadka dalalkaas, isagoo ka been sheegay dalabka qareenada u doodaya xukuumadda.

Wuxuu sheegay in xayiraadda si deg deg ah loo qaadi karo iyadoo kiiska xagga sharciga la dhagaysanayo.

Xukuumadda ayaa la filayaa inay racfaan ka qaadato xukunka, kaasoo caqabad weyn ku noqday maamulka Trump.

Maamulayaasha Maraykanka ayaa sheegaya in tobanaan kun oo Visa dib loola laabtay tan iyo markii madaxweyne Trump uu saxiixay amar madaxweyne oo xaddidaya socdaalka muddo todobaad laga joogo.

Dhawaan ayuu xilkii ka qaaday Garsooraha guud ee dalkaas kaasoo si KMG ah u hayay jagadaas, kadib markii uu ka horyimid go'aankiisa lagu xanibayo dadka kasoo jeeda 7 dal oo Muslim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM