​Xabaal wadareed laga helay nawaaxiga Mosul

Image

Ciidamada dowladda Ciraaq, ayaa soo bandhigay xabaal wadareed laga helay nawaaxiga magaalada Mosula gaar ahaan deegaan ay dhawaan ka qabsadeen mallayshiyaad katirsan Daacish.

Xabaashaas, ayaa laga helay qalfood bini aadam iyo fuuqa rasaas loo malaynayo in lala dhacay dadaas.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilkaas cidda lagu fuliyay, waxaana dadka deegaanku warbaahinta u sheegayaan inay u malaynayaan in halkaas lagu dilay ku dhawaan 40 Askari oo ka mid ahaa ciidamada deegaanka Tall Adh-dhaba, ee Bariga Mosul.

Maamulka dalka Ciraaq wuxuu hadda baarayaa xabaal-wadareed kale oo isbuucii hore laga helay magaalada Hamam al-Calil.

Waxaa loo maleynaayaa in xabaashaasi lagu aasay illaa 300 oo qof.

Kooxda Daacish, ayaa inta badan dilal kala duwan ku fulisa shakhsiyaadka ay uga shakiyaan inay gacan saar la leeyihiin maamulka Ciraaq iyo dowladaha reer Galbeed iyagoo inta badan bartilmaameed ka dhigta ciidamada dowladda.

Dhawaan ayay ahayd markii duullaan waqti badan qaatay lagu qaaday magaalada Mosul halkaas oo ay ku xooganayeen ururka Daacish.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM