​Xabad joojin ka dhaqan gashay Suuriya

Image

Xaaladda goobihii ugu darnaa ee duqayntu ka dhacaysay ayaa iminka dagan, waxaana la dareemayaa xasilooni ka dhalatay hishiis ay wada saxiixdeen dalalka kala taageera Dowladda Suuriya iyo Mucaaradka ee Ruushka iyo Maraykanka.

Muddo todobaad ah ayaa labadaasi dowladood ku hishiiyeen in dalkaasi laga dhaqan galiyo xabad joojin rasmi ah.

Balse, warar laga helayo dalkaasi, ayaa sheegaya in la maqlayo xabado goos goos ah kuwaasoo ay is-weydaarsanayaan dhinacyada dalkaasi ku hardamaya.

Magaalada Xalab oo kamid ahayd meelihii ugu darnaa ee duqayntu sida roobka uga da'aysay ayaa maanta dagan, inkastoo goob joogayaal la hadlay warbahinta caalamiga ay caddeeyeen inay jiraan xabado ka dhacaya qoryaha sida daran-dooriga u dhaca.

Dadka u ololeeya nabadda Suuriya waxa ay sheegayaan in heshiiska cusub uu ka dhaqan galay inta badan deegaamadii lagu dagaallamayay.

Mid kamid ah ragga heshiiska horkacaya, Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa uu sheegay in hadda ay suuragal tahay in nabad ay ka dhaqan gasho Suuriya midowday.

John Kerry waxa uu hoosta ka xariiqay in carqaladeyn lagu sameeyo xabad joojinta ay jiri karto saacadaha soo socda ama maalmaha.

Waxa uu dhammaan dhinacyada qeybta ka ah ugu baaqay inay u hogaansamaan qodobada ku xusan heshiiska.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu ballan qaaday in madaxweyne Asad uu xushmeynayo xabad joojinta.

Dhowr jeer oo hore hishiisyo la galay ayaan u dhaqan galin sidii loogu talo galay, waxaana rabshadaha dalkaasi ka socday galeen sannadkii Shanaad iyo kumanaan qof oo shacab ah ku dhinteen qalalaasaha ka dhashay hogaanka dheeraaday ee Bashaar Al-Asad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM