Xaggee ka dhacayaa kulanka Trump iyo Kim Jong-un?

Image

WASHINGTON - Warbaahinta dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kulanka aadka loo sugayo ee madaxweynayaasha Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi, Donald Trump iyo Kim Jong Un ay u badan tahay inuu bisha dambe ka dhaco dalka Singapore.

Wargeyska Chosun Ilbo iyo wakaaladda wararka Yonhap oo soo xiganaya ilo-wareedyo aysan magacaabin ayaa sheegay in Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi ay isku raaceen in kulanka algu qabto dalka iyo magaalada Singapore, toddobaadka saddexaaad ee bisha June.

Trump ayaa jimcihii u sheegay weriyayaasha in labada dhinac ay “Isku raaceen waqtiga iyo goobta” kulanka.

Dhinaca kale, xukuumadda Pyongyang ayaa Washington uga digtay in rabitaanka nabadeed ee Korea-da Waqooyi aysan u arkin astaan muujineysa tabardarri.

“Mareykanka ayaa si ula kac u daan daansanaya Korea-a Waqooyi, xilli xaaladda jasiirad u yaalka Korea ay u dhaqaaqeyso dhanka nabadda” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Korea-da Waqooyi.

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM