Xawaaladda AMAL oo tababar siisay Wakiilladeeda Sweden

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GOTHENBURG, Sweden- Shirkadda Xawilaadda ee AMAL Express ayaa dalka Sweden ayaa tababar ku saabsan habka loo diro lacagaha iyo suuq-geynta ugu qabatey magaalada Gothenburg Wakiilladeeda ku sugan waddankaas.

Waxaana tababarkan bixinayay khuburo iyo aqoonyahano ku xeel dheer Sharciyadda, suuq geynta iyo maamulwanaaga.

Ujeedada aqoon is-weydaarsigan, ayaa ahaa in khibrad loogu yeesho habka lacag dirista saxda ah, keydinta siraha, xogaha iyo fahamka sir xajinta.

Waxyaalaha ugu muhiimsan oo intii uu tababarkan socdey oo ahyed muddo 2 maalmood ah looga faa’iideystey waxaa ka mid ahaa; sharciyadda cusub ee sanadkii 2017 soo baxey oo ay ugu muhiimsan tahay lacagta caddaanka ah ee hal mar hal qof loo diri karo inta ay tahay.

Tababarkan ayaa waxaa sidoo kale looga faa’iideystay habka suuq-geynta iyo qancinta macaamiisha Xawaaladda AMAL EXPERESS si macaamiisheeda ay iminka heysato ay ugu sii nagaadaan kuwo cusubna ay ugu soo biiraan.

Macallimiintii tababarka bixinaysay ayaa sidoo kale Wakiilladda ugu baaqay inay ku dhaqmaan casharada la siiyay oo ay ku dabaqaan howlaha shirkadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM