Xiisad ka taagan Kenya kadib Guushii Uhuru

Image
Image
Image
Image
Image

Dalka Kenya ayaa waxa ka taagan xiisad ka dib markii madaxweynaha xilka haya, Uhuru Kenyatta, loogu dhawaaqay in uu yahay ninka ku guulaystay doorashadii lagu murmay ee madaxaxtinimada.

Taageerayaasha Kenyatta ayaa wadooyinka magaalooyinka ku dabbaal degayey, halka meelaha ay ku badanyihiin taageerayaasha musharaxii mucaaradka, Raila Odinga, ay ka dhaceen mudaharaaddo.

Booliska ayaa lagu soo waramayaa in ay sunta dadka ka ilmaysiisa ku rideen dad ku mudaharaadeyey xaafado ku yaal magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalada galbeedka dalka ku taal ee Kisumu.

Kenyatta ayaa shacabka ka codsaday xasilooni waxaanu sheegay in aanay cidna dan u ahayn in lagu noqdo qulqulatooyinkii dhacay doorashooyinkii 2007-dii oo kale.

Qalalaasihii ka dhashay doorashooyinkii 2007-dii waxa ku dhintay in ka badan kun qof waxaana u bara kacay nus malyuun qof oo kale.

Hase yeeshee ilaa haatan ma uu hadal Raila Odinga.

Source: GO + BBC

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM