Xisbiga Midig-fog oo Looga Adkaaday Doorashadii Holland

Image

Natiijooyin horudhac ah oo kasoo baxay doorashada dalka Holland, ayaa muujinaya in xisbiga ra’iisul wasaare Mark Rutte uu ku guuleystay kurasta ugu badan baarlamanka, kana adkaaday xisbiga kasoo horjeeda soo-galootiga iyo islaamka ee uu hogaamiyo Geert Wilders.

Ayada oo inta badan codadka la tiriyey ayaa xisbiga midig dhexe ee Rutte waxaa la filayaa inuu ku guuleysto 32 ka mid ah 150 kursi ee baarlamanka, isaga oo si aad ah uga horeeya dhammaan xisbiyada kale. 

Saddex xisbi oo kale ayaa la filayaa inay ku guuleystaan min 19 kursi, waxaana ku jira xisbiga Freedom Party ee Wilders iyo xisbiyada Christian Democrats iyo D66. Natiijada rasmiga ah ee sida loo kala helay kuraasta baarlamanka ayaa waxaa lagu dhawaaqi doonaa 21-ka Maarso. 

Saraakiisha ayaa sheegay in codadka ay dhiibteen 81 boqolkiiba dadkii sharciga u lahaa inay codeeyaan, taasi oo ahayd tii ugu badneyd muddo 30 sano ah. 

Andre Krouwel oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Free University ee magaalada Amsterdam ayaa sheegaya in dadka tirada badan ee doorashada isugu soo baxay ay muujineyso in muwaadiniinta dalkaas ay u arkeen doorashadan mid aad muhiim u ah.

VOA

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM