Xoghayaha Guud ee QM oo tagi doona Kenya

Image

NAIROBI, Kenya- Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa la qorshaynayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya isagoo la kulmi doona madaxda waddankaas.

Socdaalkan ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay dadaallo Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa ay ku doonayso in wax looga qabto xaalado adag oo ka jira dalalka Africa qaybtood.

Antonio Guterres, ayaa lagu wadaa inuu Kenya yimaado maalinta Axadda oo barri ku began.

Sida ay daabacday qaar kamid ah warbaahinta gudaha dalka Kenya, Antonio Guterres, ayaa la kulmi doona Hogaamiya Africa qaybtood isagoo kala hadli doono xaaladda abaareed ee ka jira Somalia iyo Suudaan-ta Koonfureed.

Wararku waxay intaas ku darayaan in dhinacyada ka qayb galaya kulankaas ay isla soo qaadi doonaan si wax loogu qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen oo la sheegay in xaaladoodu isu badali karto Macaluul.

Lama oga in Madaxweynaha Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo shirkaas tagi doono iyo in kale.

Booqashadan ayaa sidoo kale loog hadli doonaa xaaladda xeryaha qaxootiga dalka Kenya iyo sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibku saameeyay.

Waa booqashadii ugu horaysay ee mas’uulkan ku yimaado Africa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay sannadkii hore.

GAROWEONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM