Xubno katirsan Al Qaeda oo lagu dilay Yemen
Labo hogaamiye oo katirsanaa Ururka Al Qaeda ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay weerar cirka ah oo ka dhacay Bariga magaalada Zinjibar, ee koonfurta dalka Yemen.
Hogaamiyaasha oo aan magacyadooda la shaacin ayaa lagu dilay gantaal diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn, oo ku dhufatay Mooto ay la socdeen oo maraysay magaalada Zinjibar, oo ah xarun garabka Al Qaeda ee gacanta Carabta (AQAP) .
Magaalada uu weerarku ka dhacay ee Zinjibar waxay caasimad u tahay gobolka Abyan, oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda Yemen iyo Xoogaga Al Qaeda.
Wali dowladaha Yemen iyo Mareykanka kama aysan hadlin weerarka lagu dilay hogaamiyaasha katirsanaa Al Qaeda.
Mareykanka ayaa sheegtay in ciidamadiisa ay 30 weerar ka fuliyeen Jimcihii lasoo dhaafay Koonfurta dalka Yemen, gaar ahaan magaalooyin ay ku xoog badan yihiin dagaalyahanada Al Qaeda.
Dowladda Mareykanka ayaa u aragto Al Qaedada Yemen inay tahay khatarta ugu weyn ee ku wajahan danaheeda Bariga dhexe.
GAROWEONLINE