Xukuumadda Pyongyang oo u digtay USA

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Waddanka Kuuriyada Waqooyi ayaa soo bandhigtay awoodeeda Milateri kadib xaflad ka dhacay magaalada caasumadda ah ee Pyongyang taasoo loogu dabaal dagayay 105 sano guuradii kasoo wareegtay dhalashada hogaamiyihii aas-aasay dalkaas Kim Il-sung.

Bandhiggan milateri ayaa muujinaya awoodda dalkaas, waxayna hanjabaad usoo jeediyeen Maraykanka oo ay uga digeen inuu faraha lasoo galo masiirka Pyongyang ee xilligan.

Gantaalaaha ayaa socod lagu marsiiyey xaflad ka oo uu daawanayey hogaamiyaha xukunka haya Kim Jong-un oo uu awoowe u yahay madaxeynihii ugu horreeyey dalkaas.

Shiinaha ayaa ka digay dagaal waqtigan ka dhaca Gobolka, oo dhex mara Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya, iyadoo Milateriga Mareykanka ay dhaq dhaqaaq ka sameeyeen meel ku dhow xuduuda, iyaga iyo ciidamada Koofur Kuuriya

Xaaladda labada waddan ayaa sii xumaanaya muddooyinkii dambe kaasoo salka ku haya hubka wax gumaada ee Nuclear ka loo yaqaano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM