Xulafada Mareykanka oo weeraraya Suuriya iyo Ruushka oo u hanjabay

Image

WASHINGTON — Dowlada Mareykanka ayaa Talaadadi shalay kala tashatay xulufadeeda diyaargarowga tallaabo milatari oo ay ka qaado Suuriya, kadib weerar loo adeegsaday hub kiimiko ah oo Sabtidi lagu qaaday deegaan ay maamulaan mucaaradka Suuriya.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Heather Naurt ayaa sheegtay in ay raadinayaan jawaab wadajir ah oo abaabulan oo ay suurtagal tahay in ay noqon doonto tallaabo milatari.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray in ay ka shalaayi doonaan kuwi ka danbeeyay weerarki kiimiko ee loo geystay Bariga Ghouta, kaasoo dilay ugu yaraan 40 ruux.

Trump ayaa weerarkaasi ku eedeeyay dowlada Suuriya, ee uu hogaamiyo Madaxweyne Bishar Al Asad iyo sidoo kale dowladaha taageera ee kala ah Iran iyo Ruushka.

Dhanka kale, Safiirka Ruushka u fadhiya Lubnaan Alexander Zasypkin ayaa sheegay in Gantaal kastoo Mareykanku ku rido Suuriya ay ka hortagi doonaan, isagoo sheegay in tallaaba kasta oo uu qaado maamulka Trump uu dusha u ridan doono wixii ka yimaada.

Arintani ayaa kusoo aadaysa xili Xiriirka diblimaasiyadeed ee Ruushka iyo Mareykanka uu gaarey meeshii ugo hooseysay, kadib markii labada dal midba midka kale uu soo eryay diblomaasiyiinta dalkiisa joogtay.

Trump ayaa ku eedeeyay Ruushka inuu faragelin ku haya arrimaha dalalka reer galbeed, gaar ahaan Mareykanka iyo xulufadiisa Yurub, kadib markii dhawaan Sarkaal horey uga tirsanaa Sirdoonka Ruushka lagu sumeeyay Ingiriiska isago iyo gabadhiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM