Xulufada Sacuudiga oo Aqbalay in laba Maalin oo Fursad ah la siiyo xalinta Khilaafka kala Dhaxeeya Qadar

Image

Xulufada uu horkacayo Sacuudiga ayaa dowladda Kuwayt ka aqbalay dalab ah in muddo 48 saacadood ah fursad la siiyo in xal diblumaasiyadeed laga gaaro khilaafka u dhaxeeya dowladda Qadar iyo dowladaha kale ee Khaliijka.

Warkan oo lagu daabacay wakaalad-da wararka ee Sacuudiga ayaa imaanaya ,iyadoo dowladda Qadar ay shalay sheegtay in aysan suurtagal ahayn in dhankooda ay aqbalaan dalabka ka soo yeeray dowladaha xulufada ah ee xiriirka u jaray Doha.

Amiirka dowladda Kuwait Shiekh Sabah Al Ahmed ayaa ka dalbaday dowladaha sedexda ah in waqtiga loo kordhiyo wada-hadalo suurtagal ah oo ay dhinacyada is haya ka yeelan karaan khilaafka u dhaxeeya ,kaasi oo saamayn balaaran ku yeeshay Khaliijka.

Muddo 10 cisho ah oo loo qabtay dowladda Qadar ayaa ku ekayd xalay fidkii ,xilli dowladaha taageersan Qadar ay ka codsadeen xulufada Sacuudiga in ay la yimaadaan Qodobo laga wada-hadli karo ,isla markaana aan fara-galin dheeri ah ku  samayn doonin madax banaanida Qadar.

Xulufada Sacuudiga oo Aqbalay in laba Maalin oo Fursad ah la siiyo xalinta Khilaafka kala Dhaxeeya Qadar ,waxaana la filayaa in wasiirada arimaha dibadda ee afarta dal ee cunaqabtaynta soo rogay ay ku shiraan magaalada Qaahiro si looga tashto talaabooyinka xiga ee ku aadan arinta Qadar.

Ugu danbaysan , safiirka Imaaraadka ee Ruushka ayaa sheegay in Qadar ay wajihi karto cunaqabtayn dheeri ah  hadii aysan aqbalin dalabka 13-ka qodob ka kooban ee horey loogu soo gudbiyay.

GAROWEONLINE 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM