Xulufadda Mareykanka oo billaabay inay kasoo baxaan Syria

Image
Image

SYRIA - Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay hanaan ay uga soo baxayaan dalka Syria, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay go’aan uu kusoo saarayo 2,000 oo askari oo Mareykan ah, oo dalka Syria u jooga inay ciidamada Kurdish-ka ay hogaamiyaan ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.

“Isbayahsiga waxay billaabeen qorshaha kasoo bixitaanka Syria. Sababo amni dartood ,ma bixin karo faahfaahino ku saabsan waqtiga, goobta iyo dhaqaaqa ciidamada” waxaa sidaas yiri Colonel Sean Ryan.

Xulufada Mareykanka ee Kurdish-ka waqooyiga Syria ayaa ka cabsi qaba in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay waddada u furi doonto weerar uu Turkiga muddo qorsheynayey inuu halkaas ku qaado.

Turkiga ayaa kooxaha Kurdish-ka Suuriya u arka inay halis amni ku yihiin.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa talaadadii sheegay in badbaadinta Kurdish-ka ay shuruud u tahay bixitaanka ciidamada Mareykanka, hadalkaas oo ka carreysiiyey madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, kaasi oo ku qeexay “qalad weyn.”

Hase yeeshee, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa khamiistii sheegay in hanjabaadda Turkiga aysan waxba ka beddeli doonin qorshaha bixitaanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM