Xulufadda Mareykanka oo billaabay inay kasoo baxaan Syria

Image
Image

SYRIA - Isbaheysiga Mareykanka uu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ayaa billaabay hanaan ay uga soo baxayaan dalka Syria, sida uu maanta sheegay afhayeen u hadlay.

Madaxweyne Donald Trump ayaa bishii tagtay ku dhawaaqay go’aan uu kusoo saarayo 2,000 oo askari oo Mareykan ah, oo dalka Syria u jooga inay ciidamada Kurdish-ka ay hogaamiyaan ka caawiyaan la dagaalanka Daacish.

“Isbayahsiga waxay billaabeen qorshaha kasoo bixitaanka Syria. Sababo amni dartood ,ma bixin karo faahfaahino ku saabsan waqtiga, goobta iyo dhaqaaqa ciidamada” waxaa sidaas yiri Colonel Sean Ryan.

Xulufada Mareykanka ee Kurdish-ka waqooyiga Syria ayaa ka cabsi qaba in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay waddada u furi doonto weerar uu Turkiga muddo qorsheynayey inuu halkaas ku qaado.

Turkiga ayaa kooxaha Kurdish-ka Suuriya u arka inay halis amni ku yihiin.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka, John Bolton ayaa talaadadii sheegay in badbaadinta Kurdish-ka ay shuruud u tahay bixitaanka ciidamada Mareykanka, hadalkaas oo ka carreysiiyey madaxweynaha Turkiga Reccep Tayyip Erdogan, kaasi oo ku qeexay “qalad weyn.”

Hase yeeshee, xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo ayaa khamiistii sheegay in hanjabaadda Turkiga aysan waxba ka beddeli doonin qorshaha bixitaanka Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM