Xuutiyiinta Yemen oo Gantaallo ku weeraray Sucuudiga

Image

RIYADH - Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay weerar gantaal oo aargoosi ah ku qaadeen dalka Sacuudiga, oo hormuud u ah Ciidamada Khaliijka ee duulaanka ku qaadey wadanka Yemen bishii 25-kii Maarso, 2015.

Gantaallada balaastikada ayaa waxaa lala bartilmaameedsaday xaruumo muhiim ah oo uu kamid yahay Garoonka Diyaaradaha King Khalid International Airport ee ku yaalla magaalada Riyadh.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa xaqiijiyay in illaa 7 gantaal looga soo tuurey dhanka Yemen, kuwaasi oo qaarkood Ciidamada Cirka ku qabteen hawada waqooyi ee magaalada Riyadh, halka kuwa kale ay ku dhaceen magaalooyinka Abha, Najran iyo Jizan.

Weerarka ayaa lala eegtay Garoomo diyaaradeed oo ku yaalla Sacuudiga, waxaana la ogeyn wali khasaaraha ka dhashay.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Xulufada Sacuudiga oo lagu magacaabo Colonel Turki al-Malki ayaa xaqiijiyay in hal ruux oo u dhashay dalka Masar uu ku dhintey gantaal ku dhacay guri uu deganaa, iyadoo labo kale ay ku dhaawacmeen.

Weerarka gantaal ayaa lagu soo beegay xilli maalintii shalay ay ku beegnayd sanad-guuradii 3aad ee kasoo wareegtay markii Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka ay duulaan military ku qaadeen dalka Yemen.

Hay'adaha gargaraka caalamiga ah ayaa sheegay in go'aadinta dhulka, cirka iyo badda ee lagu soo rogay Yemen ay horseeday macluul ay ka dillaacdo dalkaasi, iyadoo hadda 20 milyan oo qof ay qarka u saaran yihiin inay gaajo u dhintaan.

In ka badan 14,000 oo qof oo shacab u badan, ayaa lagu dilay colaadda Yemen, iyadoo 11 milyan oo qoys ay ku barakaceen, waxaana howlgalka Khaliijka uu burbur xoog leh u geestay kaabiyaashii dhaqaale ee dalkaasi.

Yemen oo ah dalka ugu saboolsan dalalka ku yaalla gacanka carabta ayaa la dagay colaad tan iyo markii xukunka laga tuurey Cali Cabdalla Saalax xilli ay socdeen dibadbaxyadii wadamada Carabta 6 sano kahor.

GAROWE ONLINE
 

 

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM