YEMEN: Dagaal ka socda magaalada Sanca

Image

Dagaal u dhaxeeya Labo Mallayshiyo uu kala taageersan Madaxweynihii hore dalka Yemen Cali Cabdullaahi Saalax iyo Xuutiyiinta waaddankaas ayaa lagusoo waramayaa inuu maalintii 5aad ka soconayo magaalo madaxda Sanca.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu bilowday Arbacadihii hore, waxaana labada kooxood doonayaan inay gacanta ku dhigaan goobaha muhiimka ah dowladda.

Mudada isku dhaca labada dhinac uu socday waxaa ku dhintay in kabadan 10 ruux, waxaa sidoo kale dhaawacmay boqolaal qof halka tiro intaas ka badan ay ka barokaceen.

Cali Cabdallah Saalax ayaa dhinaca kale sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo dowladda taagta daran ee dibad joogta ah taasoo ka talisa dalka Yemen.

Tallaabadan waxaa soo Boqor tooyada Sucuudiga kuwaasoo sheegay inuu yahay hadal wanaagsan oo qaboojin kara xaalada cakiran ee dalka Yemen.

Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkaan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Labada Kooxood ee Xuutiyiinta iyo Taageerayaasha Madaxweynihii hore Yemen ayaa dagaal kula jira isbahaysiga ay horboodayso dowladda Riyaad.

Dagaalkan ayaa saameeyay guud ahaan ganacsiga, isu socodka iyo waxbarashada magaalada Sanco oo ragaadiyeen dagaalkii ka dhashay kacdoonkii xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdullaahi Saalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo Putin Ka Dalbaday Taageero Kadib Weerarka Maraykanku ku Qaaday Iran

Inkastoo Putin uu cambaareeyay duqeymaha Israa’iil, haddana weli kama hadlin weerarradii Mareykanka.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 12:34PM

Dagaalka Bariga Dhexe oo cirka isku shareeray markii Mareykanka ku biiray - Warbixn

Iran ayaa sheegtay in ay tirada dhimashada ee dalkaasi ka dhacday ay kor u dhaaftay 430 qof, halka dhaawacyadu ay gaarayaan 3,500.

  • Caalamka

    23-06-2025

  • 05:49AM