YEMEN: Dagaal ka socda magaalada Sanca

Image

Dagaal u dhaxeeya Labo Mallayshiyo uu kala taageersan Madaxweynihii hore dalka Yemen Cali Cabdullaahi Saalax iyo Xuutiyiinta waaddankaas ayaa lagusoo waramayaa inuu maalintii 5aad ka soconayo magaalo madaxda Sanca.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu bilowday Arbacadihii hore, waxaana labada kooxood doonayaan inay gacanta ku dhigaan goobaha muhiimka ah dowladda.

Mudada isku dhaca labada dhinac uu socday waxaa ku dhintay in kabadan 10 ruux, waxaa sidoo kale dhaawacmay boqolaal qof halka tiro intaas ka badan ay ka barokaceen.

Cali Cabdallah Saalax ayaa dhinaca kale sheegay inuu diyaar u yahay wada-hadal uu la galo dowladda taagta daran ee dibad joogta ah taasoo ka talisa dalka Yemen.

Tallaabadan waxaa soo Boqor tooyada Sucuudiga kuwaasoo sheegay inuu yahay hadal wanaagsan oo qaboojin kara xaalada cakiran ee dalka Yemen.

Basle Xuutiyiinta ayaa cambaareeyay hadalkaan uu ku dhawaaqay madaxweynihii hore Cali Cabdalla Saalax.

Labada Kooxood ee Xuutiyiinta iyo Taageerayaasha Madaxweynihii hore Yemen ayaa dagaal kula jira isbahaysiga ay horboodayso dowladda Riyaad.

Dagaalkan ayaa saameeyay guud ahaan ganacsiga, isu socodka iyo waxbarashada magaalada Sanco oo ragaadiyeen dagaalkii ka dhashay kacdoonkii xilka looga tuuray madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdullaahi Saalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

12 daqiiqo oo cabsi iyo halgan ah: sida duuliyihii, rakaabkii iyo shaqaaluhu uga hortageen masiibo cirka ka dhacda

Khamiistii, isagoo sariir isbitaal oo ku yaalla Sacuudiga ka soo hadlaya…

  • Caalamka

    02-10-2026

  • 03:21PM

Diyaarad Flydubai ah oo 174 qof siday kuna socotay Israa’iil oo la isku dayay in la afduubo

Intii xaaladdu ka socotay gudaha diyaaradda, diyaaradda ayaa si lama filaan ah hoos ugu dhacday ku dhowaad 14,000 feet.

  • Caalamka

    30-09-2026

  • 01:35PM