YEMEN: Isbaheysiga Sacuudiga oo duulaan culus ku qaadey Xudeyda

Image

Ciidamada Isbaheysiga Khaliijka ee Sacuudiga uu hoggaamiyo ayaa maanta billaabay weerar xooggan oo ka dhan ah magaalo xeebeedka muhiimka ah ee Xudeyda, taasi oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Xuutiyiinta Shiicada ah.

Mucaaradka Xuutiyiinta ayaa maamulayay mudo 3 sano ah magaaladan badda Cas ku taalla, oo 150-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan caasimadda Yemen ee Sanca.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo qeyb ka ah isbaheysiga Sacuudiga, ayaa sheegtay in maanta ay ku ekeyd waqtigii loo qabtay Xuutiyiinta inay uga baxaan magaaladan dekedda leh.

Xudeyda waa magaalo muhiim u ah cunnada iyo gargaarka la geeyo Yemen, waxaana gudaha iyo hareeraha magaaladaas ku nool 600,000 oo qof.

Dowladda dibed-joogga ah ee Yemen ayaa bayaan ay maanta soo saartay ku sheegtay in qabshashada Yemen ay muhiim u tahay dagaalka ay ugu jirto inay dib gacanta ugu dhigto maamulka dalka.

QM ayaa sheegtay in saddexdii sano ee uu socday dagaalka Yemen lagu dilay 10,000 oo qof oo badankood ku dhintay duqeymaha ay fuliyaan isbaheysiga Sacuudiga.

Sacuudiga iyo Iran ayaa loolankooda gobolka waxuu saameyn ku yeeshay dalal badan oo Yemen, Lubnaan iyo Syria ay kamid yihiin, kuwaasi oo colaad ay ka hurinayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM