Zimbabwe: Ciidamada oo awoodda la wareegay, Mugabe oo nabad ah

Image

HARARE, Zimbabwe - Ciidamada Militariga dalka Zimbabwe ayaa la wareegay xaruumaha dowladda ee magaalada Harare, iyadoo tallaabadan u egtahay afgembi lagu sameynayo Madaxweyne Robert Mugabi.

Askar wata gaadiidka dagaalka ayaa xiray waodoyinka xafiisyada dowaladda, Baarlamaanka iyo Maxkamadaha bartamaha magaalada Harare, iyadoo aan saameyn ku yeelatay nolosha shacabka.

Afhayeenka ciidamada Militariga Zimbabwe Major General S.B. Moyo oo toos shacabka ugala hadlay TV-ha qaranka ZBC, ayaa shaaciyay in dalka uusan ka dhicin afgembi, balse ay wadaan howlgal lagu sifeynayo Koox dembiiliyaal ku hareeraysan Robert Mugabi.

Wuxuu xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo qoyskiisa ay nabad qabaan, islamarkaana ay wali ku sugan yihiin qasriga Madaxtooyadda dalkaasi.

"Howlgalka ciidamada waa mid lagula dagaalamayo shaqsiyaadka ka dambeeyay dhibaatooyinka dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed ee ka jira dalkeena, taasi oo hadii aan waxba laga qaban ka dhalan karta inuu dagaal uu dhaco," ayuu yiri Moyo.

Moyo waxa uu ugu baaqay shacabka inay is-dejiyaan, isagoo u xaqiijiyay in xaaladda caadi lagu soo celin doono marka uu dhamaado howlgalkooda ay kusoo xirayaan kuwa ay ku tilmaameen dembiiliyaasha.

Mucaaradka dalka Zimbabwe MDC [Movement for Democratic Change] ayaa ku baaqay in dalka lagu soo celiyo dimuqraadiyadda dastuuriga ah, waxaana uu intaasi ku daray inay faragelinta military ay horseedayso deganaansho qaran iyo dumuqraadiyad xasiloon.

"Tani waa sixid qaran, iyo soo afjarida dhibaatadii daba dheerayd ee ka Zimbabwe uu ku hayay nidaamkii kaligii taliska Robert Mugabe, iyo kuwa burcada ah ee ku hareeraysan xaafiiskiisa," waxaa sidaasi Reuters u sheegay Chris Mutsvangwa, oo ah siyaasi u dhashay Zimbabwe.

Madaxweyne Robert Mugabe oo 93 jir ah ayaa u gogol xaarayay Xaaskiisa Grace inay awoodda kala wareegto marka uu geeriyoodo, iyadoo dadka shacabka ah ay aad uga daaleen xukunkiisa aan horumarka lahayn ee dib u dhigay dalkaasi.

Generaal Constantino Chiwenga, Taliyaha Ciidamada dalkaasi ayaa khilaafay madaxweyne Mugabe kadib markii uu xilka ka qaaday madaxweyne ku xigeenkii, oo  khilaaf xooggan soo kala dhexgalay.

Mugabe ayaa Zimbabe soo xukumayay mudo 37 sano ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Iran siiyay fursaddii ugu dambeysay si ay uga badbaado weerarro cusub 

Xiisadda ayaa weli ka taagan marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin ay maraan qayb weyn oo shidaalka caalamka.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 07:09AM

Taliyaha Sirdoonka Turkiga oo la kulmay Hoggaamiyaha Xamaas

Kulanka ayaa lagu adkeeyay dadaallada Turkiga ee lagu mideynayo taageerada caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Gaza.

  • Caalamka

    04-08-2026

  • 06:55AM