Dowladda Turkiga oo Galmudug u fulinaysa mashaariic horumarineed
DHUUSOMAREEB, Galmudug - Turkiga ayaa sahamin ku sameynaya mashaariic cusub oo maalgashi oo laga dhisayo maamul goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya.
Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Alper Aktaş ayaa markii ay gaareen magaalada Dusmareeb ee Caasimadda Galmudug waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye iyo Golihiisa Wasiirada.
Waxa ay ka wada hadleen sidii loo hirgelin lahaa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee dowlad goboleedka Galmudug iyo doorka maalgashiga Turkiga.
“Waxaan la yeelanay wadatashiyo wax ku ool ah oo ku saabsan tillaabooyinka loo qaadi karo taaba gelinta kaabayaasha dhaqaalaha ee loo baahan yahay horumarinta Galmudug iyo doorka maalgashi ee Turkiga ku yeelan karo geeddi-socodkan,” ayuu Aktaş ku yiri hadal ay soo saartay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.
Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya muddo dheer ayaa waxa uu maalgeliyay dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, isagoo sidoo kale bixiyay gargaar bani’aadanimo oo aad u badan.
Turkiga ayaa sidoo kale ku leh magaalada caasimadda ah ee Muqdisho xaruntii ugu weyneyd ee ay ku tababari lahaayeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
GAROWE ONLINE